Ganacsatadii dalkooda aaminay si ay nolol maalmeedkooda ugu helaan suuqyadada kala ah Xamarweyne & Suuq-bacaad ayaa dhiban waxaana kudhawaad 10-Maalmood xiran Ganacsiyadooda Kadib Lacago Xad dhaaf ah oo Canshuur u eg oo lagu soo rogay Dadkas.
Maamulka Canshuuraha Bariga ayaa canshuur ku soo rogay Ganacsatada Halka ganacsatada sheegeen in aysan awoodin una arkaan in Canshuurtaas tahay Baadil, Balse Ciidamo Dowladeed gaar ahaan NISA ayay ganacsatadu sheegeen in loo adeegsanayo Caburinta Shacabkaas si lacagta u bixiyaan.
Dowlad & Xafiis gaar ah oo soo farageliyay arinta ganacsatadaan ma jirto oo waa laga aamusan yahay, Canshuurtoodana Gawaari iyo Dabaq-yo ayaa lagu degan yahay Markalene dad kale ayaa rabo in ay ka macaashaan Ganacsatada.
Qaar kamid ah Ganacsatada oo Warbaahinada Qaar la hadlay ayaa quus & Rajo xumo ka muujiyey sida dowladooda ugu aamusan tahay dhibaatada heysato.
Xaalada Magaalada muqdisho waa Culus tahay Dadkiina Kuleelaa gaaray, Shaarkii dowladnimada ayaana leyskugu awood sheeganayaa sidaas waxaa Warbaahinta u sheegeeay Dadka Ku nool Magaalada muqdisho.



