Home WARARKA Qoysas horleh oo Abaar darteed uga barakacay Gobolka Bakool

Qoysas horleh oo Abaar darteed uga barakacay Gobolka Bakool

18
0

Deegaanno katirsan Gobolka Bakool ee Dowlad-Goboleedka Koofur Galbeed waxaa ka barakacay qoysas badan oo saamayn taban ku reebtay abaarta ka jirta qaybo kamid ah Koofurta iyo Bartamaha Soomaaliya, qaar kamid ah Dadkaan ayaa gaaray Gobolka Jubada Hoose.

Xoolaha oo haraad darran uu hayo ayay dadkaan sheegeen in ay meelo dhexe qaarkood uga tageen maadaama awoodda socodka ay gabeen, tani waa dhibaato kale oo kusoo wajahan Dadkaas xoolo dhaqatada ah ee u muuqda in ay ka faramarnaanayaan xoolahooda.

Mid kamid ah Dadka isaga kala gudbay Deegaan hoostaga Degmada Xudur xarunta Gobolka Bakool ee Magaalada Afmadow Gobolka Jubada Hoose Dowlad-Goboleedka Jubbaland ayaa sheegay in dadka qaar ay billaabeen in ay gaajo iyo biyo la’aan u dhintaan.

Haweeney kamid ah Dumar la socday qoysaskaas oo waddada dhexe ku foolatay ayaa u dhimatay daryeel la’aan sida ay ku warrameen ehelkeeda, waxaana ay horay usii qaadeen ubadkii ay dhashay Hooyadii geeriyootay.

Xaalado dhanka Nolosha ah ayaa soo wajahay dad u badan Xoolo dhaqato oo aan weli tirakoob rasmi ah lagu samayn balse ka barakacay Abaarta ka jirta Gobollada Dalka, Abaartu waxa ay kamid tahay aafooyinka sababa barakaca Bulshada.

Ma jiro war kasoo baxay Dowlad-Goboleedyada Koofur Galbeed, Jubbaland iyo Dowladda Dhexe ee Federaalka Soomaaliya, waxaa magaalooyin kala duwan lagu dukaday Salaad roob doon ah oo Dadku alle ku waydiisteen in uu Roob Barwaaqo wata usoo hooriyo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here