Home WARARKA Ciidamada Jubbaland oo howlgalo ka dhan ah Al-shabaab ka sameeyay gobolka Jubbada...

Ciidamada Jubbaland oo howlgalo ka dhan ah Al-shabaab ka sameeyay gobolka Jubbada Hoose

17
0

Ciidamada Daraawiishta maamulka Jubbaland ayaa magaalada Qooqaani ee gobolka Jubbada Hoose ka fuliyay howlgal ka dhan ah maleeshiyaadka Al-shabaab.

Howlgalkaan ciidanka Daraawiishta Jubbaland ka sameeyeen magaalada Qooqaani ayaa ahaa mid lagu xaqiijinaayay amniga guud ee magaaladaas iyo deegaanada ku dhadhaw.

Taliyaha amniga magaalada Qooqaani Maxamuud Aadan Xasan Gaaboow oo howlgalkan hoggaaminayay ayaa warbaahinta u sheegay in howlgalkan uu qayb ka ahaa dadaalada joogtada ah ee lagu sugayo xasilloonida iyo ka hortagga dhaqdhaqaaqyada kooxda Al-shabaab.

Taliye Gaaboow ayaa sidoo kale sheegay in howlgalkaan ay ku sifeynayeen wadooyinka muhiimka ah ee soo gala iyo kuwa ka baxa magaalada Qooqaani ee gobolka Jubbada Hoose iyo deegaanada ay kooxdu ku dhuumaaleysanayaan.

“Ujeedada howlgaladan ay tahay in la adkeeyo amniga iyo in bulshada amnigooda la xaqiijiyo ee ku safra wadooyinka Qooqaani ka baxa iyo kuwa soo gala, gaar ahaan meelaha ay ku dhuumaaleeysanayaan kooxaha Khawaarijta ah ee caadeeystay inay Shacabka dhibaateeyaan” ayuu yiri Taliyaha amniga magaalada Qooqaani Maxamuud Aadan Xasan Gaaboow.

Gabagabadii howlgaladan ayaa ka mid noqonaya howlgalo ciidanada Jubbaland ka wadaan qeybo ka mid ah gobolka Jubbada Hoose iyo Jubbada Dhexe oo ay ku doonayaan in kooxda Al-shabaab kaga xureeyaan deegaano iyo degmooyin ay kaga sugan yihiin goboladaas.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here