Home WARARKA Raysal Wasaare Xamse oo magacaabay Wasiiro cusub oo ka mid noqonaya Golahiisa...

Raysal Wasaare Xamse oo magacaabay Wasiiro cusub oo ka mid noqonaya Golahiisa Wasiirrada

17
0

Raysal Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xamse Cabdi Barre ayaa maanta isbedel ku sameeyay qaar ka mid ah Golahiisa Wasiirrada.

Wareegto kasoo baxday Xafiiska Raysal wasaaraha ayaa xilka looga qaaday qaar ka mid ah wasiiradii hore, waxaana sidoo kale lagu magacaabay xubno cusub oo ka mid noqonaya Golaha Wasiirrada.

Wareegtada waxaa Wasiirka Wasaaradda  Ganacsiga iyo Warshadaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya loogu magacaabay Danjire Jamaal Maxamed Xasan, waxaana xilkaas laga qaaday Wasiirkii hore ee Wasaaraddan  Xildhibaan Maxamuud Geesood.

Waxaa sidoo kale wareegtada lagu magacaabay Senatar Ayuub Ismaaciil Yuusuf inuu noqdo Wasiirka Howlaha Guud iyo Dib u dhiska, isagoona xilkaas kala wareegaya Wasiirkii hore ee Wasaaraddam Xildhibaan Dr. Cilmi Maxamuud Nuur.

Wareegtadan waxa warbaahinta u akhriyay Afhayeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cabdinaasir Saxansaxo oo sheegay in magacaabistu ay dhaqan gashay, islamarkaana ay qeyb ka tahay dadaalada lagu dardargelinayo waxqabadka hay’adaha dowladda.

Ugu dambeyntii Raysal wasaare Xamse Cabdi Barre ayaa Wasiiradda cusub faray inay si deg deg ah xilalka ula wareegaan, islamarkaana ay la yimaadaan dadaal dheeraad ah oo la xariira dhanka shaqada.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here