Puntland oo Dowladda Federaalka ku eedeysay inay ku lug leedahay Xiisadda Gobolka Sanaag.

0
10

Dowlad goboleedka Puntland ayaa ku eedeysay dowladda Federaalka Soomaaliya inay hurineyso xasillooni darro ka jirta degaanadeeda, gaar ahaan gobolka Sanaag. Hadal uu meel fagaare ah ka jeediyay Madaxweyne ku xigeenka Puntland, Ilyaas Lugatoor, wuxuu ku eedeeyay Dowladda Federaalka inay maalgeliso shaqsiyaad si ay qalalaase uga abuuraan deegaanada maamulkaasi.

Madaxweyne ku xigeenka Lugatoor oo la hadlay warbaahinta gudaha ayaa yiri “Waxaan la soconaa in Dowladda Federaalka ay lacago siisay shaqsiyaad lagu qalqal gelinayo xasiloonida gobolka Sanaag”. Waxa uu sidoo kale xusay in Hay’adaha amaanka Puntland ay fursad u siiyeen in ay talaabo ka qaadaan dadka ku howlan qalalaasaha.

Madaxweyne ku xigeenka oo hadalkiisa sii wata ayaa dowladda Federaalka ku eedeeyay in ay isku dayeyso in ay fowdo ka abuurto dowlad goboleedyada kale ee xubnaha ka ah dowladda Federaalka, isagoo ku dooday in ujeedku uu yahay in la farageliyo arrimahooda gudaha oo ay gacanta ku dhigaan. Lugatoor ayaa ugu baaqay dowlad goboleedyada kale inay ka digtoonaadaan oo ay hubiyaan in si buuxda loo dhaqan galiyo dastuurka federaalka ee lagu heshiiyay, kaasoo qeexaya xiriirka ka dhaxeeya dowladda dhexe ee Soomaaliya iyo dowlad goboleedyada xubnaha ka ah federaalka.

Eedeymahan ayaa laga yaabaa inay sii xoojiyaan xiriirka Puntland iyo dowladda Federaalka Soomaaliya oo markii horeba xumaaday, iyadoo weli uu jiro khilaafyo ku saabsan madax bannaanida siyaasadda iyo maareynta kheyraadka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here