Home WARARKA Ra’iisul Wasaaraha Australia oo ku hanjabay in la adkaynayo sharciga xakamayna Hubka

Ra’iisul Wasaaraha Australia oo ku hanjabay in la adkaynayo sharciga xakamayna Hubka

16
0

Ra’iisul Wasaaraha Australia, Anthony Albanene ayaa ku hanjabay in Xukuumaddiisa ay xoogga saarayso adkaynta sharciga mamnuucaya hubka, kaddib markii 15 qof lagu toogtay Xeebta Bondi Beach ee Magaalada Magaalada Sydney.

Australia waxa ay kamid tahay dalalka hubka caadiga uu ka yahay isla markaana uu qofka soo iibsan karo, soona qaadan karo, inkasta oo hubka daran-dooriga u dhaca ee khasaaraha badan gaysan kara aanay ku jirin hubkaas la fasaxay.

Xukuumadda Sydney ayaa lagu wadaa in qaraar degdeg ah ay kasoo saarto arrintaan, waxaana la sheegayaa in guud ahaan Australia laga mamnuuci doonno iibsashada iyo qaadashada hubka si looga hortago weerarro kale oo dalkaas ka dhici kara.

Wiil & Aabihiis ayaa toogasho wadareed u gaystay Dad Yuhuud ah oo xaflad dhiganayay, dhimashada waxaa la xaqiijiyay 15 qof halka dhaawaca uu intaas ka badan, waxaa jira cambaarayn iyo culays lagu saaray Australia falkaas.

Maraykanka oo xiriir wanaagsan kala dhaxeeya Dalkaas ayaa si caro ku dheehan tahay waxa uu xoghayaha Arrimaha Dibadda Dalkaas uu sheegay in dalkiisu uu aad u cambaaraynayo isaga oo intaas ku daray in aanay indhaha laga qabsan Karin weerarkaas dhacay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here