Home WARARKA In ka badan 4.6 Milyan oo qof oo abaaraha Soomaaliya ay saameeyeen

In ka badan 4.6 Milyan oo qof oo abaaraha Soomaaliya ay saameeyeen

14
0

In ka badan 4.6 milyan oo qof oo ku nool guud ahaan Soomaaliya taas oo u dhiganta ku dhowaad rubuc dadweynaha, ayaa saameyn ku yeeshay xaaladda abaaraha, sida ay sheegeen UNka.

“Saaxiibada gargaarka ayaa tilmaamaya in ugu yaraan 120,000 qof ay barakaceen intii u dhaxaysay Sebtembar iyo Diseembar, iyadoo qiimaha biyuhu sare u kacayo, cuntadu sii yaraanayso, xooluhuna dhimanayaan, ilihii nololeedna burburayaan,” ayay OCHA ku sheegtay warbixin ay soo saartay.

In ka badan 75,000 arday oo ku kala sugan dalka oo dhan ayaa lagu qasbay inay ka harraan waxbarashada.

OCHA ayaa sheegtay in xilliga abaarta soo socota ee Janaayo ilaa Maarso la filayo inuu sii xumeeyo xaaladda abaarta, iyadoo ka digtay saameynno ay ka mid yihiin biyo la’aan sii kordheysa, xoolo dhimasho badan, iyo halis sii kordheysa oo cunto-yaraan ah qaybo badan oo dalka ka mid ah.

OCHA waxay dalbatay gargaar degdeg ah si looga hortago burbur ku yimaada nolol-maalmeedka xoolo-dhaqatada iyo beeraleyda, isla markaana looga hortago khasaaro nafeed oo laga baaqsan karo..

Hay’addu waxay ka digtay in afarta bilood ee soo socota ay yihiin kuwo aad u xasaasi ah, maaddaama xilli-roobaadka xiga aan la filayn illaa Abriil 2026,” ayaa lagu yiri warbixinta.

OCHA waxay carrabka ku adkeysay in QM iyo saaxiibadeedu ay diyaar u yihiin wax-ka-qabashada xaaladda abaaraha, iyagoo isku dubbaridaya jawaabaha degdegga ah ee dhinacyada biyaha, cuntada, nafaqada, caafimaadka iyo hoyga.”

Hay’adaha gargaarka ayaa sidoo kale bixinaya lacag-caddaan, quudinta xoolaha, iyo dayactirka ceelasha, iyagoo booqanaya goobaha ay dhibaatadu ka jirto si ay u qiimeeyaan baaxadda xaaladda, isla markaana u eegaya kheyraadka loo adeegsan karo tallaabooyin hore.

Si kastaba ha ahaatee, dadaalladaas waxaa si weyn u wiiqaya dhaqaale yari baahsan.

Bishii hore, Isuduwaha Gargaarka Degdegga ah ee Qaramada Midoobay, Tom Fletcher, ayaa $10 milyan ka qoondeeyay Sanduuqa Degdegga ah ee Qaramada Midoobay (CERF) — kaas oo bixiya gargaar degdeg ah marka ay dhacaan colaado iyo masiibooyin la xiriira cimilada, balse OCHA waxay sheegtay in taageero aad uga badan tan si degdeg ah loogu baahan yahay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here