Home WARARKA Ciidamada Macawiisley & Al-Shabaab oo ku dagaalamay Deegaanno katirsan Gobolka Shabeelaha...

Ciidamada Macawiisley & Al-Shabaab oo ku dagaalamay Deegaanno katirsan Gobolka Shabeelaha Dhexe

14
0

Deegaanno katirsan Gobolka Shabeelaha Dhexe gaar ahaan Maxaa-Siciid & Qaahira waxaa saakay ku dagaalamay ciidamada Deegaanka ee Macawiisleyda ah iyo Al-Shabaab sida ay xaqiijiyeen ilo kala duwan oo deegaanka ah.

Qaar kamid ah Dadka deegaanka ee Macawiisleyda ah ayaa sheegay in ay saddex jeer iska caabbin xooggan kala hortageen Al-Shabaab iyaga oo ugu danbayn dib uga baxay deegaannada qaarkood oo weli xabaduhu ka dhacayaan.

Waxa ay Dowladda Federaalka Soomaaliya ka dalbadeen in ay gacansiiyaan isla markaana u dirto ciidamo xoojiya kuwa deegaanka ee Macawiisleyda ah si ay dib ugu laabtaan saldhigyadooda sida ay hadalka u dhigeen.

Gobolka Shabeelaha Dhexe, waxaa ka socda abaabul iska soo horjeeda oo ay wadaan ciidamada Ciidamada Dowladda Federaalka iyo kuwa Deegaanka ee Macawiisleyda ah oo dhinac ah iyo Al-Shabaab oo halkaas xooggooda isugu geysay.

Waxaa dhinac socda duqaymo diyaaradeed oo lagu beegsanayo goobaha ay ku sugan Al-Shabaab sida ay ku warrameen ilo kala duwan, deegaannadaan waxaa saamayn taban ku reebay xiisaddaan oo maalmahaan ka taagan.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here