Home WARARKA Madaxweyne Xasan Sheekh oo Turkiga ka billaabayo kulamo lagu difaacayo midnimada Dalka

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Turkiga ka billaabayo kulamo lagu difaacayo midnimada Dalka

11
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud oo ku sugan Dalka Turkiga ayaa billaabay kulamo xoogga lagu saarayo iskaashiga Muqdisho iyo Ankara, adkaynta difaaca midnimada & dadejinta heshiisyo horay ay u wadagaleen labada dhinac.

Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa si xooggan uga hor yimid faragelinta Israa’iil ay ku samaysay midnimada iyo wadajirka dhuleed ee Jamhuuriyadda Soomaaliya kaddib markii ay sheegtay in ay aqoonsatay Maamulka Somaliland.

Warar soo baxaya waxa ay sheegayaan in heshiiskii la xiriira ilaalinta xeebaha Soomaaliya oo ay wada galeen labadaan dal sanadkii hore 2024 la dhaqangelinayo iyada oo ciidanka Badda Turkiga ay u howlgalayaan in ay ilaaliyaan Biyaha Dalka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here