Home WARARKA Dagaal Xalay ka dhacay Magaalada Beladweyne & Amniga Magaalada oo sii xumaaday

Dagaal Xalay ka dhacay Magaalada Beladweyne & Amniga Magaalada oo sii xumaaday

22
0

Magaalada Baladweyne ee xarunta Gobolka Hiiraan waxaa xalay ka dhacay Dagaal u dhaxeeyay ciidamada Dowlada soomaaliya iyo Al-Shabaab.

Kaas oo socday mudo saacad ku dhaw, waxana laga maqlay xaafada magaalada baladweyne jug culus oo cabsi ku keentay Dadka ku nool baladweyne.

Ciidamada ayaa bannaanka uga soo baxay Xerada, iyaga oo watay gaadiidka dagaalka si ay u tagaan meelaha ay ku tuhmayaan in Al-Shabaab ka soo weerareen.

Lama soo sheegin waxyeelo ka dhalatay Dagaalkii xalay ka dhacay Gudaha magaalada balaweyne, waxaana howlgalo baaris ah ku dhaqaaqay Ciidamada Dowladda Federaalka iyo kuwa AMISOM gaar ahaan Askarta Jabuuti eek u sugan Magaalada Baladweyne.

Dhowr jeer ayaa sidaan oo kale lagu weeraray Xeryo Magaalada Baladweyne ku leeyihiin Ciidamada Dowladda Federalka iy kuwa Midowga Afrika oo isugu jiro Askarta Jabuuti iyo kuwa Itoobiya.

Askarta ayaa joogteysay howlgalada ay ku raadinayaan shaqsiyaadka hoobiyaasha kusoo tuura xeryahooda ciidan, inkasta oo aysan soo bandhigin khasaaraha ka gaaray weerarka iyo natiijada baaristooda kasoo baxday.

Amaanka Magaalada Baladweyne ayaa aad u Xumaaday Maalmihii lasoo dhaafay waxaana Magaalada iyo Duleedkeeda ka dhacay Dilal badan oo ilaa iyo Hada aanan dadkii ka dambeeyay Sharciga la Marsiin.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here