Baarlamaanka Dowlad Goboleedka Jubbaland Oo Ansixiyay Guddiga Doorashada Iyo Xuduudaha Uu Magacaabay Madaxweyne Axmed Madoobe.

0
3

Baarlamaanka Dowlad Goboleedka Jubbaland ayaa maanta cod gacan taag ah ku ansixiyay guddiga madaxa banaan ee xuduudaha iyo doorashooyinka ee uu dhawaan magacaabay Madaxweyne Axmed Maxamed Islaam (Madoobe).

Dhismaha guddiga cusub ayaa lagu soo waramayaa inuu la jaan qaadayo hadafka gobolka ee ah in la abaabulo doorashooyin dadban, inkastoo uu jiro qorshe federaal ah oo ku wajahan nidaamka codeynta tooska ah ee dalka oo dhan.

Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Jubbaland, Cabdi Maxamed C/raxmaan, ayaa Xildhibaanada kula dar daarmay in ajandaha la horgeeyo, si loo suurtageliyo doorasho dadban oo ka dhacda deegaanada Maamulkaasi.

Fadhiga oo ay soo xaadireen 66 mudane ayaa ku soo idlaaday cod loo qaaday codsigii madaxweyne Madoobe ee ahaa in la ansixiyo guddiga cusub.

Si kastaba ha ahaatee, magacaabista guddigan ayaa dhabar-jab kala kullantay wasaaradda arrimaha gudaha, federaalka iyo dib u heshiisiinta dowladda federaalka Soomaaliya.

Wasaaraddu waxay muujisay sida ay uga soo horjeedaan dhismaha guddiga Jubbaland, waxayna carrabka ku adkeysay in dalka uu u gudbayo doorasho toos ah, doorasho dadweyne iyo in wax kasta oo ka weecan gobollada ay caqabad ku noqon karto horumarkan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here