Wasiirka Arrimaha Gudaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Cali Xoosh ayaa kulan rasmi ah la yeeshay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Pakistan, Aasif Cali Zardaari, xilli uu booqasho rasmi ah ku joogo caasimadda dalkaas ee Islamabad, isagoo hoggaaminaya wafdi ka socda dowladda Soomaaliya.
Sida ay sheegtay Wakaaladda Wararka Soomaaliyeed (SONNA), kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta xiriirka laba geesoodka ah ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Pakistan, gaar ahaan dhinacyada amniga, la-dagaallanka argagixisada, iyo iskaashiga ku aaddan sugidda nabadda iyo xasilloonida.
Intii uu kulanku socday, Wasiirka Arrimaha Gudaha Soomaaliya ayaa madaxweynaha Pakistan uga mahadceliyay doorka iyo taageerada joogtada ah ee ay Pakistan siiso Soomaaliya, gaar ahaan dhinacyada amniga, tababarrada ciidanka iyo dadaallada dib-u-dhiska hay’adaha dowladda.
Dhankiisa, Madaxweynaha Pakistan Aasif Cali Zardaari ayaa mar kale adkeeyay mowqifka go’an ee dalkiisu ka taagan yahay taageerada madax-bannaanida, midnimada iyo ilaalinta qarannimada Soomaaliya, isagoo xusay in Pakistan ay diyaar u tahay inay sii ballaariso iskaashiga kala dhexeeya Soomaaliya, gaar ahaan dhinacyada nabad-dhisidda, xasillinta amniga, iyo dadaallada dhismaha dowladnimada.
Kulankan ayaa qeyb ka ah dadaallada socda ee dowladda Soomaaliya ay ku doonayso inay ku xoojiso xiriirka caalamiga ah iyo iskaashiga dalalka saaxiibka la ah, si kor loogu qaado amniga iyo xasilloonida dalka.



