Home WARARKA Cimilada Isbeddelaysa iyo Abaarta oo Nolol Adag Ku Reebay Barakacayaasha Gudaha Dalka

Cimilada Isbeddelaysa iyo Abaarta oo Nolol Adag Ku Reebay Barakacayaasha Gudaha Dalka

10
0

Abaaraha Soomaaliya ka jira oo ay sababto isbedelka Cimilada ayaa dadka iyo duunyada isku si u saameeyay, taasoo dhalisay in dadkii ay ka soo barakacaan deegaanadoodii kadib markii ay xoolohoodii oo ahaa hantida keli ah ay heysteen ka dhameysay abaartu ama beerahoodii ka ba’een roob la’aan darteed ama webiyadii oo guray.
Qoysaskaas oo isugu jira haween, caruur iyo waayeel ayaa ku tabaaleysan xerooyinka barakacayaasha.
Dhowaan booqasho aan ku tagnay mid ka mid ah xerooyinkaas oo ku taala degmada Kaxda ee magaalada Muqdisho ayay barakacayaashu sheegayaan sheekooyin naxdin leh sida caafimaad la’aan, waxbarasho la’aan heysata caruurtooda, quutul daruuriga oo ciriiri ku ah, taasoo ay u dheer tahay shaqo la’aan iyo hooy xumo, iyagoon heysanin agabkii jiifka sida joodariyo.
In ka badan 4 milyan oo qof ayaa ku barakacay sida ay sheegeen hay’adaha Qaramada Midoobey u qaabishan, dowladda Soomaaliya iyo hay’adaha diiwaangeliya dadka gudaha ku barakacay, taasoo ka dhigeysa in ka badan 25% dadka Soomaaliyeed ay gudaha barakacayaal ku yihiin.
Aamino Abuukar Aadan oo ah hooyo heysata labo caruur ah, ayna dulsaar ku yihiin caruur rajo ah, oo ku sugan xero dadka barakacayaashu ka degaan degmada Kaxda ayaa sheegtay inay soo barakacday markii xoolohoodii ay ka baaba’een.
Barakacayaashan ayaa marka laga reebo nolol xumada heysata, waxaa u dheer inaysan maareyn karin caafimaadkooda iyo waxbarashada caruurtooda.
Maareeyaha Xarunta Qaran ee Howlaha Gurmadka Degdegga ah ee Hay’adda Maareynta Masiibooyinka, Xasan Ciise, ayaa sheegay in abaarta 2025 / 2026 ay la mid ahayd abaarihii dalka soo maray 2010, 2011, 2016, 2017, 2022 ilaa 2023. Wuxuu kaloo sheegay in 13 ka mid ah 18 gobol ee Soomaaliya inay abaartu saameysay, ayna 1,7 milyan oo qof ay abaartu ay u saameysay ayna u baahan yihiin gargaar deg deg ah.
Ilaa 4 milyan oo qof ka badan ay wajayaan cunto yari bishaan Janaayo, iyadoo lixda bilood ee soo socota la qiyaasayo in ay gaaraan ilaa 7 milyan oo qof.

Wuxuu kaloo maareeyuhu sheegay in ay xirmeen in ka badan in 200 xarumo caafimaad ay u xirmeen dhaqaale la’aan, ilaa 300 oo xarumo lagu nafaqeyn jiray xaruurtana ay xirmeen, taasoo ay saameyn ku yeelatay ugu yaraan 2 milyan oo caruur ah.
Isbedelka cimilada oo saameyntiisa aad looga dareemayaa Soomaaliya. Hay’adda Qaramada ee Qaxootiga ayaa sheegay in 3.5 milyan oo qof ku barakceen gudaha dalka, halka 850 qof ay ku soo laabtaan gudaha Soomaaliya.
Dowladda Mareykanka ayaa horraantii bishan sheegtay in ay joojisay gabi ahaanba kaalmadii ay siin jirtay dowladda Soomaaliya, iyadoo lagu eedeeyay mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Soomaaliya in ay burburiyeen bakhaar ay ku jirtay cunto ay lahayd hay’adda cunnada Adduunka ee WFP, cuntadaas oo ay maalgelisay dowladda Mareykanka.
Tani waxa ay sii cakireysaa xaaladda guud ee barakayaasha dalka oo ka soo barakacay abaarihii ku dhuftay dalka oo ay sababeen isbedelka cimilada.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here