Home WARARKA RW Xamsa “Lama aqbalayo in dhul dad ay leeyihiin Cagafyo loo keensado...

RW Xamsa “Lama aqbalayo in dhul dad ay leeyihiin Cagafyo loo keensado lagana qaato”

8
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre ayaa ka hadlay Dadka ka cabanaya in dhulkooda ay ku qaadanayaan Shaqsiyaad lagu sheegay in ay yihiin Ganacasto iyo Dad kale kuwaas oo si qasab ah u barakcinaya.

Wasiirka 1aad ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre ayaa tallaabo sharci darro ah ku tilmaamay in Cagaf la dul geeyo Dad deegaan ah iyada oo ujeedka laga leeyahay uu yahay sidii looga boobi lahaa dhulkaas uu yahay sida uu yiri.

“Lama aqbalaayo in dad dhul ay leeyihiin inta Dad Ganacsato ah & ciddii ay rabto ha ahaatee in Cagafyo loo keensado oo laga qaato, buuq farabadan ayaa jira oo dadku ku leeyihiin Dhul baan lahaa, waa la iga qaaday oo waa la iga jabiyay, waxaa la rabaa in dadku ilaahay ka cabsadaan oo ay iska ilaaliyaan dhulka aysan lahayn” Ayuu yiri, RW XFS Xamsa Cabdi Barre.

Xamsa Cabdi Barre ayaa Dowladda Hoose ee Xamar iyo Hay’adaha kala ee shaqadoodu tahay arrintaan faray in wax ka qabtaan maadaama cabashada Dadku ay noqotay mid sii kordhay muddooyinkii dambe sida uu hadalka u dhigay.

“Waa dulmi arrintaan haddii ay jirto, Waxa aan faraynaa hay’adaha ku shaqada leh oo koow ka tahay Dowladda Hoose ee Xamar in dadka cabashadoodu la fiiriyo oo loo ilaaliyo dhulkooda & hantidooda” Ayuu hadalkiisa sii raaciyay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre.

Horay waxa uu sidaan oo kale mar uu uga hadlay arrimaha Dhulka waxa uu Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre uu sheegay in Maxkamadaha Dalka ka dacwoon karaan dadka ka cabanaya Arrimaha Dhulalka haddii lagu xadgudbo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here