Maxkamadda Ciidanka Qalabka sida iyo Dambiyada culus ee Dawlada Jubaland waxay maanta u fariisatay kiis dacawadeed ciiqaab ah oo uu eedaysane ka yahay Diiriye Bishaar Cabdullahi, 23 jir ku dhashay tuulada Deg-Elema oo hoos timaada degamada Dhoobley, kaas o ku eedaysan gaysashada dilal kala duwana oo gaadhaya ilaa 2 dil, dhaawac, dhac, jid gooyo, budhcadnimo, lunsasho hub dawladeed iyo waliba khalkhal galin amni.
Fadhiga Maxkamadda waxaa furay Gudoomiyaha Maxkamada, Gaashaanle Sare Cabdulaahi Maxamuud Ibraahim (Faaqid) oo ay wehelinhayaan labadiisa ku xigeen, waxaa sidoo kale eeda soo soo jeediyay Xeer Ilaaliyaha Guud ee Ciidanka Jubaland, Gashaanle Dhexe Ismaaciil Cabdi Cali.
Maxkamadda ayaa fadhiga 1-aad ku dhagaystay eeda Xafiiska Xeer Ilaalinta iyo qaybo ka mid ahcadaymaha la horkeenay, halka dib looga balamay fadhiga labaad.


















