Home WARARKA Booliiska Maraykanka oo xiray Nin weeraray Xildhibaan Ilhaan Cumar

Booliiska Maraykanka oo xiray Nin weeraray Xildhibaan Ilhaan Cumar

6
0

Booliiska Dalka Maraykanka gaar ahaan kan Minneapolis ayaa xiray Nin weeraray Xildhibaan Ilhaan Cumar oo ka qaybgalaysay kulan dadweyne oo looga doodayay culayska ka dhashay howlgallada & rabshadaha is dhinac socda ee Gobolka Minnesota.

Ninkaan la qabtay ayaa soo aaday dhinaca Xildhibaan Ilhaan Cumar isaga oo buufiyay walxo la sheegay in ay lahaayeen ur aad u darran balse weli la ogaan, waxaa kahor tagay qaar kamid ah ilaalada goobta joogtay oo gacanta ku dhigay Ninkaas.

Markii la xakameeyay Ninka ayay Ilhaan Cumar soo aadday dhankiisa iyana waxaa laga hor istaagay in ay wax ku dhufato maadaama lagu wareejiyay Ciidamada Booliiska oo baaraya waxa uu buufiyay, cidda soo dirtay, ujeedkiisa & su’aalo kale oo jawaabtooda la sugayo.

Intaas kaddib, Xildhibaan Ilhaan Cumar ayaa qoraal ay soo dhigtay barteeda Xiriirka Bulshada waxa ay ku xaqiijiyay in ay caafimaad qabto isla markaana aanay qalqalin gelin doonnin falkaas sida ay hadalka u dhigtay.

Waan fiicanahay, Waxa aan ahay qof badbaaday, Kicintaan yar ima cabsigelin doonto mana iga horjoogsan doonto gudashada shaqadayda, Uma oggolaado cagajugleeyeyaasha in ay guuleystaan” ayay tiri Xildhibaan Ilhaan Cumar oo qoraalkaan soo dhigtay Barteeda X

Ilhaan Cumar ayaa horay u sheegtay in ay culays saarayaan xubno uu ugu derajo sarreeyo madaxweynaha Maraykanka Donald Trump kuwaas oo doonaya in ay aamusiyaan balse waxa ay ku goodisay in arrimaha ay la kulmayso ay yihiin kuwa dhiirragelinaya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here