Home WARARKA WFP oo ka digtay hakad ku yimaada howlaha gargaar ay kawado Soomaaliya

WFP oo ka digtay hakad ku yimaada howlaha gargaar ay kawado Soomaaliya

2
0

Hay’adda Barnaamijka Cunnada Adduunka (WFP) ee Qaramada Midoobay ayaa ka digtay in barnaamijyadeeda gargaar ee badbaadiya nolosha malaayiin qof ay istaagi karaan toddobaadyada soo socda, haddii aan si degdeg ah loo helin dhaqaale ku filan oo lagu sii wado kaalmada cuntada iyo nafaqada degdegga ah ee Soomaaliya.

Mas’uul sare oo ka tirsan WFP, Ross Smith, oo ah Agaasimaha Diyaargarowga iyo Ka-jawaabista Gurmadka Degdegga ah, ayaa sheegay in ku dhowaad laba milyan oo carruur ah oo ku nool Soomaaliya ay la ildaran yihiin nafaqo-darro ba’an.

Wuxuu xusay in dalka uu wajahayo mid ka mid ah dhibaatooyinka gaajada ee ugu adag sanadihii u dambeeyay, taasoo ka dhalatay laba xilli-roobaad oo xiriir ah oo roob yari ah, colaado sii kordhaya iyo hoos u dhac ku yimid maalgelintii bani’aadamnimo.

Sida uu sheegay, dhaqaale xumida hadda jirta waxay ku qasabtay WFP inay si weyn u dhinto tirada dadka ka faa’iideysanaya gargaarka cuntada degdegga ah.

Tiradaas oo ahayd 2.2 milyan oo qof horraantii 2025, ayaa hadda hoos ugu dhacday wax ka badan 600,000 oo qof oo keliyataasoo la micno ah in hal qof oo keliya laga caawinayo toddobadii qof ee u baahan gargaar si ay u noolaadaan.

Sidoo kale, barnaamijyada nafaqada ee loogu talagalay haweenka uurka leh, kuwa nuujinaya iyo carruurta ayaa si weyn loo dhimay, iyadoo tiradii ka faa’iideysanaysay ay ka soo degtay 400,000 bishii Oktoobar 2025 ilaa 90,000 bishii Diseembar ee la soo dhaafay.

Mas’uulkan ayaa ka digay in xaaladdu si xawli ah uga sii darayso, qoysas badanna ay lumiyeen ilihii nolol-maalmeedkooda, taasoo ku riixaysa inay qarka u koraan xaalad macaluul ah.

Ugu dambeyn, hay’addu waxay sheegtay in ay si degdeg ah ugu baahan tahay 95 milyan oo doolar si ay u sii waddo taageerada dadka ugu nugul inta u dhexeysa Maarso iyo Agoosto 2026, Waxay ka digtay in haddii aan la helin dhaqaalahaas, ay suurtagal tahay in gargaarka bani’aadamnimo ay kawado Soomaaliya uu istaago bisha Abriil ee soo socota.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here