Home WARARKA Daawo”’Xiisad saaka ka taagan Degmada Heliwaa iyo dadweynaha oo hortaagan kooxda dhul...

Daawo”’Xiisad saaka ka taagan Degmada Heliwaa iyo dadweynaha oo hortaagan kooxda dhul boobka Xasan Sheekh

5
0

Xiisad ayaa ka Taagan xaafadda buula maaxaay Degmada Heliwaa ee Gobolka Banaadir, Dadka ku nool halkaas ayaa waxaa ay ka cabanayaan in ciidamada Dowlada ay ku wargeliyeen in Dhulkooda sida ugui Dhaqsiyaha Badan ugu Guuraan.

Shacabka ayaa adeegsanayay dhagaxyo, halka ciidankuna ay u adeegsadeen rasaas, taas oo dhalisay khasaare isugu jiro dhimasho iyo dhaawac.

Qaar kamid ah dadka deegaanka oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in xaafadda ay soo weerareen ciidamo Boolis ah, isla markaana lagu dilay ugu yaraan 1 qof, laguna dhaawacay 9 kale oo 2 kamid ah xaaladoodu liidato.

Xaaladda ayaa hadda deggan, mana jiro wax hadal ah oo kasoo baxay saraakiisha ammaanka oo ku aadan iska hor imaadka ka dhacay halkaasi.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here