Home WARARKA Midowga Afrika iyo Sacuudiga oo ka wada hadlay nabadda dalal ay ku...

Midowga Afrika iyo Sacuudiga oo ka wada hadlay nabadda dalal ay ku mid tahay Soomaaliya

2
0

Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika, Maxamuud Cali Yuusuf, ayaa maanta magaalada Adis Ababa kulan gaar ah kula yeeshay Wafdi sare oo ka socday dowladda Sacuudiga, kuwaasi oo uu horkacayo Wasiir ku-xigeenka Arrimaha Dibadda ee Boqortooyada Sacuudi Carabiya, Eng. Waleed Elkhereiji.

Labada dhinac ayaa ka wada hadlay arrimo ay kamid yihiin xaaladda dalalka Soomaaliya, Suudaan iyo Liibiya, gaar ahaan sidii loo dhowri lahaa Madaxbannaanidooda iyo Midnimadooda.

Guddoomiye Maxamuud Cali Sacuudiga ku ammaanay dadaallada diblomaasiyadeed ee lagu taageerayo nabadda iyo xasilloonida dalalka Soomaaliya, Suudaan, iyo Liibiya.

Dhankiisa, Eng. Waleed Elkhereiji ayaa xaqiijiyay inay Boqortooyada ka go’an tahay sii xoojinta iskaashiga ay la leedahay Midowga Afrika, gaar ahaan dhinacyada horumarinta, nabadda, iyo diblomaasiyadda.

Ugu dambayntii, labada dhinac ayaa mar kale ku baaqay in la ixtiraamo Madaxbannaanida dalalka Afrika si looga hortago colaad iyo khilaaf.

Kulamada ay yeesheen Midowga Afrika iyo Sacuudiga ayaa ku soo aadaya xilli dhammaadka bishii December ee sannadkii hore Israa’iil aqoonsi sharci darro ah siisay Maamulka gobollada Waqooyi Galbeed, iyadoo ay ka hor yimaadeen dalalka Caalamka gaar ahaan kuwa Carabta.

Sidoo kale, Soomaaliya ayaa burisay heshiisyada kala dhaxeeyay Dowladda Imaaraadka Carabta oo ay is hayaan Sacuudi Carabiya oo hadda u muuqda inuu dowr ka qaadanayo xallinta Khilaafka siyaasiga ee ka taagan dalalka Islaamka ah.

Image

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here