Faah faahin dheeraad ah ayaa ka soo baxeysa dagaal beeleed khasaare geystay oo Jimcihii uu ka dhacay deegaano hoostaga xeebta degmada Cadale ee gobolka Shabeellaha Dhexe.
Dagaalka oo ahaa mid xoogan ayaa u dhaxeeyay labo maleeshiyo beeleed waxaana uu si gaar ah uga dhacay tuulooyin ku dhow deegaanka Laba Garas ee Gobolka Shabeelaha Dhexe.
Wararka qaar ayaa sheegaya in iska horimaadku uu socday saacado badan oo xiriir ah waxaana ka dhashay khasaare xooggan oo isugu jira dhimasho iyo dhaawac.
In ka badan 30 qof ayaa lagu soo waramayaa in ay ku dhinteen dagaalka kuwaas oo isugu jira dhinacyadii dagaalamay iyo dad rayid ah sida ay sheegeen ilo lagu kalsoon yahay.
Sidoo kale waxaa jira dhaawacyo badan oo lasoo sheegayo iyadoo dad badan ay waxyeello xooggan kasoo gaartay dagaalladaas kuwaasoo la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan.
Xaalada deegaanka Laba Garas ayaa ah mid aad u kacsan iyadoo labada dhinac ee dirirtu dhexmartay ay helayaan gurmadyo iyo fariisimo ay ku sugan yihiin.
Ilaa hadda ma jiro wax war ah oo ka soo baxay maamulka Hirshabelle iyo saraakiisha ciidamada dowladda ee ku sugan Shabeellaha Dhexe oo ku aadan dhacdadaasi.
Iska horimaadkan ayaa lagu soo waramayaa inuu ka mid yahay kuwii ugu khasaaraha badnaa ee ka dhaca gobolkaasi, iyadoo colaad beeleedyo ay weli taagan yihiin beelaha halkaasi wada dega.