Home WARARKA Hal nin oo burcad-badeed ah oo ku dhintay iska caabin ka dhalatay...

Hal nin oo burcad-badeed ah oo ku dhintay iska caabin ka dhalatay weerar lagu qaaday doon kalluumeysi oo ku sugnayd xeebaha Eyl

5
0

Hal nin oo burcad badeed ah ayaa ku geeriyooday, dhowr kalena way ku dhaawacmeen kadib markii koox burcad-badeed Soomaali ah ay iska caabin kala kulmeen doon kalluumeysi oo laga leeyahay dalka Iran, taasoo ku sugneyd xeebta degmada Eyl.

Kooxda burcad-badeedda ayaa isku dayay inay qafaashaan doonta si ay ugu adeegsadaan weerarro kale oo ka dhan ah maraakiibta shisheeye ee maraya biyaha Soomaaliya, si lamid ah dhacdooyin hore oo xeebaha Puntland ka dhacay.

Doonta Iran laga leeyahay, oo ay saarnaayeen rag hubeysan oo qaarkood la tuhunsan yahay inay Soomaali yihiin, ayaa iska caabin xooggan kala horyimid burcad-badeedda.

Wararka ayaa sheegaya in burcad-badeedda tiradooda lagu qiyaasay illaa 10 nin ay rasaas kala kulmeen doonta ay weerareen, taas oo sababtay in hal nin uu ku dhinto, halka labo kale ay ku dhaawacmaan. Meydka ninka dhintay iyo labada dhaawaca ah ayaa la geeyay degmada Eyl.

Ciidamada ammaanka ee Puntland ayaa la wareegay doonta burcad-badeedda oo xeebta ku soo caariday, iyagoo gacanta ku dhigay labo kamid ah burcad-badeedda oo dhaawac ah iyo ninkii waday doonta.

Falalkan ayaa imaanaya, iyadoo horay sidoo kale afduub loogu geystay markab kalluumeysi oo Shiinaha laga leeyahay, loona yaqaanay Liao Dong Yu 578, kaas oo koox burcad-badeed ah ay qabsadeen 31-kii Diseembar 2025, gaar ahaan agagaarka xeebaha Bandar Beyla ee gobolka Bari.

Xeebaha Puntland ayaa muddooyinkii dambe mar kale wajahaya khataraha burcad-badeedda, taas oo weli walaac amni ku abuureysa maraakiibta isticmaala biyaha Soomaaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here