Ciidamada ammaanka Puntland ayaa fagaare ku yaalla degmada Galdogob ee gobolka Mudug ku soo bandhigay meydka nin lagu eedeeyay inuu afar habeen ka hor dilay nin shacab ah oo safar ah, isla markaana dhaawacay laba qof oo kale oo shacab ah.
Taliyaha Qaybta Booliiska gobolka Mudug, G/Sare Maxamuud Cabdixakiin Yuusuf, ayaa sheegay in laamaha ammaanku ay isku dayeen inay eedeysanaha nolol ku soo qabtaan, balse uu iska caabin hubeysan kala hortagay ciidanka, taasoo sababtay in la toogto.
Taliyaha ayaa xusay in hawlgalkan uu ku yimid iskaashi dhexmaray ciidamada ammaanka iyo odayaasha dhaqanka ee degmada Galdogob, gaar ahaan beesha uu ka soo jeedo eedeysanaha. Waxa uu sheegay in odayaashu ay saxiixeen in ninka lagu soo qabto nolol ama geeri, islamarkaana ay soo dhoweeyeen tallaabada ay qaadeen hay’adaha ammaanku.
“Ciidamada ammaanka iyo odayaasha oo iskaashanaya waxay ku dadaaleen in ninkaas gacanta lagu soo dhigo. Markii uu is dhiibi waayayna, ciidamadu waxay mariyeen tallaabada ku habboon sharciga,” ayuu yiri taliyaha Booliiska Mudug.
Waxa uu intaa ku daray in tallaabadan ay qayb ka tahay dadaallada lagu sugayo amniga iyo badqabka isu-socodka gaadiidka iyo dadweynaha u kala safra gobollada dalka.
Gacan-ku-dhiiglaha iyo marxuumka uu dilay ayaa la isla aasay, arrintaas oo noqotay mid ku cusub degaanka, isla markaana ay si weyn u soo dhoweeyeen shacabka ku nool Galdogob. Odayaasha dhaqanka ayaa dhankooda sheegay in cid kasta oo ku kacda falal ka dhan ah dad aan waxba galabsan ay la kulmi doonto tallaabo adag.
Waxay sidoo kale tilmaameen in ninkan geystay dilka uu horey dhibaatooyin uga geystay degaanka, islamarkaana hadda laga fuliyay caddaaladdii uu mutaystay.



