Dhowr dal ayaa qaatay go’aan culus oo la xiriira in muwaadiniintooda ka joojiyeen in ay u safraan Dalka Iiraan maadaama ay jirto cabsi la xiriirta duullaanka Maraykanka iyo xulafadiisa Israa’iil ay la damacsan yihiin Dalkaas.
Dowladaha Go’aankaan qaatay waxaa kamid ah Ingiriiska, Maraykanka, Canada, Shiinaha, Hindiya iyo kuwo kale kuwaas oo dadkooda ugu baaqay in si kooban ay uga joogsadaan u safarka Iiraan iyo in ay xitaa u dhawaadaan.
Waxa ay Dowladahaas sheegeen in ay diyaariyeen hannaan lagu badbaadinayo dadka ku sugan Iiraan ama ku dhow kahor inta uusan dagaalka billaaban, tani waa digniin culus waana calaamad muujinaysa in Xulufada Trump ay weerar ku yihiin Tehran.
Dhanka kale, Maraykanka oo dareensan in Iiraan ay beegsan karto dhinaca Israa’iil ayaa shaqaalihiisa iyo muwaadiniintiisa kala baxay Tel Aviv, warar soo baxaya ayaa sheegaya in tani ay cabsi kale ku beertay qoysaska Yuhuudda ah ee la beegsan karo.
Iiraan ayaa ku hanjabtay dagaal ku faafa meelo kala duwan oo caalamka ah waa haddii Maraykanka iyo xulufadiisa Israa’iil ay weerar ku qaadaan Dalkaas, Tehran ayaa Qaramada Midoobay u gudbisay warqad ay ku sheegayso arrintaas.



