Israa’iil ayaa saaka ku dhawaaqday in ay billowday weerar ay ku tilmaantay “mid ka hortag ah” oo ka dhan ah Iran, iyadoo warbaahinta Iran ay sheegtay in saddex qarax laga maqlay caasimadda Tehran.
Wakaaladda wararka ee Reuters oo soo xiganaysa Wasaaradda Difaaca Israa’iil ayaa sheegtay in weerarku yahay mid horudhac ah oo lagu beegsanayo badhtilmaameedyo ku yaalla gudaha Iran. Daqiiqado kadib ku dhawaaqista weerarka, taliska difaaca rayidka ee Israa’iil ayaa sheegay in seeriyo laga maqlay dhammaan gobollada dalka, iyadoo laga cabsi qabo jawaab celin degdeg ah.
Warbaahinta Mehr ee Iran ayaa sheegtay in qiiq culus uu ka kacayay goobaha qaraxyadu ka dhaceen ee Tehran. Sidoo kale wakaaladda Fars ayaa warisay in gantaallo ku dhaceen waddada Jaamacadda (University Street) iyo aagga Jamhuuriyadda ee caasimadda.
Wasiirka Difaaca Israa’iil ayaa ku dhawaaqay “xaalad gaar ah” oo dalka oo dhan ah, isaga oo cuskanaya Sharciga Difaaca Rayidka ee 1951-kii. Qoraal rasmi ah oo kasoo baxay Wasaaradda Difaaca ayaa lagu sheegay in go’aankan la qaatay kadib markii la xaqiijiyay suurtagalnimada weerar lagu qaado Israa’iil. Xaaladdan degdegga ah ayaa la sheegay in ay socon doonto 48 saacadood, laga bilaabo 10:08 subaxnimo ee maanta, 28-ka Febraayo 2026.
Dhanka kale, warbaahinta rasmiga ah ee Israa’iil ayaa sheegtay in la xidhay hawada dalka oo dhan, halka diyaarado rayid ah oo ku sii jeeday Israa’iil la sheegay in ay dib u laabteen kadib weerarka lagu qaaday Tehran.
Warar kale oo ka imanaya warbaahinta Iran ayaa tilmaamaya in duqeymo cirka ah lagu badhtilmaameedsaday goob u dhow qasriga madaxtooyada ee Tehran, inkasta oo faahfaahin rasmi ah aan laga bixin khasaaraha ka dhashay.
Sidoo kale, warbaahinta Israa’iil qaarkeed ayaa werisay in weerarrada ay ahaayeen kuwo ay si wadajir ah u fuliyeen Israa’iil yo Mareykanka, hase yeeshee ma jiro war rasmi ah oo arrintaas ku saabsan oo ka soo baxay Washington ilaa iyo hadda.



