Home WARARKA Xildhibaanno ka soo jeeda Buurhakaba oo ku eedeeyay Ciidamada Itoobiya faragelin siyaasadeed,...

Xildhibaanno ka soo jeeda Buurhakaba oo ku eedeeyay Ciidamada Itoobiya faragelin siyaasadeed, una gudbiyay cabasho Midowga Afrika

13
0

Xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya oo matala deegaan-doorashada Buurhakaba ayaa ku eedeeyay ciidamada Itoobiya ee ku sugan Soomaaliya, kuwaas oo ku howlgala magaca howlgalka Midowga Afrika, inay faragelin ku hayaan arrimaha siyaasadda ee degmada Buurhakaba ee Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed.

Warqad ay u direen Guddoomiyaha Guddiga Midowga, xildhibaannadu waxay ku sheegeen in ciidamada Itoobiya ee ka tirsan Qeybta 3-aad ay cadaadis ku hayaan maamulka degmada Buurhakaba, iyagoo ku eedeeyay inay ka baxeen waajibaadkoodii amni.

Warqadda oo ku taariikheysan 27-ka Febraayo 2026, waxaa saxiixay saddex xildhibaan oo kala ah Saadaad Maxamed Nuur Aliyow, Fowsiyo Maxamed Sheekh, iyo Maxamed Cali Xasan, kuwaas oo matala gobolka Bay gaar ahaan Buurhakaba.

Xildhibaannadu waxay ku doodayaan in ciidamada Itoobiya ee ku howlgala magaca Midowga Afrika ay ku lug yeesheen go’aanno siyaasadeed oo heer degmo ah, taas oo ay sheegeen inay dhaawici karto kalsoonida shacabka ee howlgalka Midowga Afrika isla markaana sii hurin karto xaalad nugul oo amni iyo siyaasadeed.

Waxay carrabka ku adkeeyeen in ciidamada loo igmaday ilaalinta shacabka iyo xasilinta amniga aysan ahayn kuwo qaabeeya jihada siyaasadeed ee gudaha dalka.

Sidoo kale, xildhibaannadu waxay sheegeen in mowqifka siyaasadeed ee ka taagan Buurhakaba uusan ahayn mid ay qaateen kaliya masuuliyiinta degmada, balse uu yahay aragti wadajir ah oo ay qabaan xildhibaannada la doortay, odayaasha dhaqanka, bulshada rayidka, siyaasiyiinta iyo qeybaha ammaanka.

Warqadda waxaa lagu xusay dhacdooyinkii doorashadii Koonfur Galbeed ee sanadkii 2018, xilligaas oo ciidamada Itoobiya lagu eedeeyay inay door ku lahaayeen xariggii Mukhtar Robow, Xildhibaannadu waxay tilmaameen in dhacdadaasi weli ku reebtay xasuus iyo kalsooni darro bulshada dhexdeeda.

Xildhibaannadu waxay sidoo kale waxay walaac ka muujiyeen xaaladda bani’aadamnimo ee ka taagan Buurhakaba, iyagoo sheegay in degmada ay wajahday xanibaadyo, hakad ku yimid duulimaadyadii rayidka iyo gargaarka, iyo abaar ba’an oo sababtay biyo la’aan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here