Home WARARKA Soomaaliya oo cambaaraysay weerarrada Maraykanka iyo Israaiil ku qaadeen dalka Iiraan

Soomaaliya oo cambaaraysay weerarrada Maraykanka iyo Israaiil ku qaadeen dalka Iiraan

8
0

Soomaaliya ayaa ka hadashay xaaladda degdegga ah ee Bariga Dhexe intii uu socday kulan gaar ah oo ay yeesheen Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay.

Soomaaliya oo ku hadlaysay magaca saddexda dal ee loo yaqaan A3, kuwaas oo kala ah Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo, Liberia iyo Soomaaliya, ayaa cambaaraysay weerarrada ay Mareykanka iyo Israa’iil ka fuliyeen gudaha Iiraan iyo jawaabta ka dambeysay ee Tehran ay ka dhigan yihiin koror halis ah oo colaadeed, taasoo khatar ku ah nabadda gobolka iyo tan caalamka.

Bayaan rasmi ah oo ay soo saareen Soomaaliya iyo labadan dal waxay ka digeen in xaaladdu isu beddesho rabshado iyo aargoosi sababi karta xasillooni darro baahsan.

Sidoo kale, waxay cambaareeyeen weerarrada gantaallada iyo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Iiraan lagu eedeeyay inay ku qaaday dhulalka madax-bannaan ee Baxrayn, Kuwait, Qatar, Sacuudi Carabiya iyo Isutagga Imaaraadka Carabta, kuwaas oo geystay waxyeelo.

Waxay ku celiyeen in dhammaan dowladaha xubnaha ka ah Qaramada Midoobay ay waajib ku tahay inay ixtiraamaan sharciga caalamiga ah iyo Axdiga Qaramada Midoobay, kaasoo mamnuucaya hanjabaadda ama adeegsiga xoog ka dhan ah madax-bannaanida iyo midnimada dhuleed ee dal kale.

Soomaaliya iyo labada dal ee kale ee Afrika ayaa ku baaqay in si degdeg ah loo dejiyo xiisadda, loona ilaaliyo nabadda iyo xasilloonida, iyagoo adkeeyay inay weli ka go’an tahay ilaalinta mabaadi’da aasaasiga ah ee sharciga caalamiga ah iyo nabad ku wada noolaanshaha dalalka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here