Home WARARKA Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Shaqada & Arrimaha Bulshada oo xilkaas iska casilay

Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Shaqada & Arrimaha Bulshada oo xilkaas iska casilay

6
0

Xildhibaan Caynaanshe Yuusuf Xuseen oo Warbaahinta xalay waqti dambe la hadlay ayaa ku dhawaaqay in uu iska casilay Xilka Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.

Caynaanshe oo deegaan doorashadiisu tahay Gobolka Bari ee Dowlad-Goboleedka Puntland ayaa sheegay in uu isu casilay sababo la xiriira doodda ka dhex jirta Federaalka iyo maamulka ku metalo Dowladda Dhexe sida uu hadalka u dhigay.

Waxa uu u mahadceliyay Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud iyo Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Dan-Qaran, Xamsa Cabdi Barre oo ku aaminay xilka uu iska casilay sida uu yiri

“Kursiga aan ku fadhiyo waxa aan ku metalaa Shacabka & Puntland sidaas awgeed waxa ay raalli ka yihiin ayaan raali ka ahay, waxa aan halkaan ku caddaynayaa in aan iska casilay xilka Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Shaqada & Arrimaha Bulshada, aniga oo u mahadcelinayo Madaxweynaha JFS & Ra’iisul Wasaaraha XFS oo xilkaan igu aaminay” ayuu yiri Caynaanshe Yuusuf Xuseen.

Khilaafka siyaasadeed ee ka dhex jira Dowladda Federaalka & Dowlad-Goboleedka Puntland ayaa sii xooggaystay, Guddoonka Baarlamaanka ayaa dhowaan waxa uu safar ka joojiyay Xildhibaanno kasoo jeeda maamulkaas oo u socday Magaalada Garoowe.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here