Home WARARKA Taliyaha cusub ee Ciidanka Cirka oo xilka la wareegay

Taliyaha cusub ee Ciidanka Cirka oo xilka la wareegay

8
0

Taliska Ciidanka Cirka, Guuto Cabdirisaaq Maxamuud Xaaji ayaa maanta xilka kala wareegay ahaa Kaaliyaha Taliska Cirka isla markaana ahaa Siihayaha xilka Taliyaha Ciidanka Cirka, Gaashaanle Sare Cali Ibraahim Cabdi.

Munaasabad kooban oo ku qabsoontay xarruunta Taliska ayaa waxaa goobjoog ahaa Kaaliyaha Taliska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sareeyo Guuto Madey Nurey Sheekh (Uforow).

Munaasabadda waxaa sidoo kale goobjoog ka ahaa xubno ka tirsan Talisyada maamul ee CXDS, Hoggaanada Taliska Guud, iyo saraakiil kale oo ka tirsan qeybaha kala duwan ee ciidanka.

Intii ay munaasabaddu socotay, Kaaliyaha Taliska CXDS Gen. Uforow ayaa faray taliyaha cusub inuu halkaas ka sii amba-qaado qorshayaasha horumarineed ee horyaalla Ciidanka Cirka, isagoo ku ammaanay taliyihii hore shaqadii adkayd ee uu soo qabtay muddadii uu xilka hayey.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here