Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta sare Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Faarax Sheekh Cabdulqaadir ayaa sheegay in si loo xusuusto saraakiisha ku geeriyootay dagaallada ka dhanka ah ‘AS’ loogu magac dari doonno Goobaha Waxbarashada.
Faarax Sheekh Cabdulqaadir ayaa sheegay in miisaan wayn ay u laahaayeen saraakiishaas iyo ciidamadaas oo laf dhabar u noqday xasiloonida Dalka gaar ahaan Caasimadda iyagana ay naftooda u hureen dalkooda sida uu hadalka u dhigay.
Wasiir Faarax ayaa intaas ku daray in siyaabo kala duwan lagu xusuusto sida in loo duceeyo, in loogu magac daro goobaha Bulshada aad u xusuusato iyo la dhiirrageliyo ehelka ay ka tageen loona muujiyo garab istaag xooggan.
“Shuhadadii Ciidamada Qaranka waxaan ugu magacdari doonaa goobaha waxbarashada, waxay ahaayeen geesiyaal naftooda noo huray, si loo xusuusto walaalaheen naftooda inoo huray” Sidaasi waxaa yiri Wasiirka Waxbarashada XFS, Faarax Sheekh Cabdulqaadir.
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa goobo kala duwan sida Xeryo ciidan iyo Isbitaal hoostaga ugu magac dartay Saraakiil Ciidan oo ku dhintay howlgallada ka dhanka ah ‘AS’ si lo xusuusto waxqabadkooda sida hadalka loo dhigay.



