Home WARARKA Mas’uulkii ugu horreeyay ee Mareykan ah oo isu casilay saameynta dagaalka Iiraan

Mas’uulkii ugu horreeyay ee Mareykan ah oo isu casilay saameynta dagaalka Iiraan

4
0

Madaxii Xarunta Qaranka ee Ka-hortagga Argagixisada Mareykanka ayaa goordhow iscasilay, isagoo si cad u diiday dagaalka Mareykanka ku qaaday dalka Iiraan.

Warqaddiisa iscasilaadda u gudbiyay Madaxweyne Trump ayuu ku baahiyay Barta X, isagoo sheegay inuu damiirkiisa siin karin wadida dagaalka Iiraan.

“Damiirkaygu ima siinayo inaan taageero dagaalka socda ee ka dhanka ah Iiraan. Iiraan khatar dhow kuma ahayn qarankeenna, waxaana cad inaan dagaalkan u billownay cadaadis uga yimid dhanka Israa’iil iyo kooxaha awoodda badan ee u ololeeya,” ayuu Kent ku yiri warqaddiisa iscasilaadda.

Iscasilaaddan ayaa dhalisay dood sharciyeed, iyadoo khubarada dhanka amniga iyo sharciga ay tilmaameen in sharciga hadda jira ee Mareykanka uu dhigayo in ka hor inta uusan dalku dagaal geli karin, ay tahay inay jirto khatar dhow oo cad oo ku wajahan amniga qaranka – taas oo Kent uu ku dooday inaysan jirin.

Aqalka Cad iyo Xafiiska Agaasimaha Sirdoonka Qaranka ayaan weli ka jawaabin codsiyada ku aaddan faallo ka bixinta iscasilaaddan.

Joseph Kent ayaa la sheegay inay xiriir dhow leeyihiin Agaasimaha Sirdoonka Qaranka, Tulsi Gabbard. Gabbard qudheeda ayaa tan iyo markii uu dagaalku billowday ka gaabsatay in ay hadasho.

Iscasilaaddan ayaa loo arkaa inay tahay dhabar-jab weyn oo ku yimid midnimada maamulka Trump ee ku aaddan duullaanka Iiraan, waxayna sare u qaadaysaa cadaadiska gudaha ee lagaga soo horjeedo faragelinta milateri ee Bariga Dhexe.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here