Home WARARKA Hay’adda hufnaanta Soomaaliya oo ka digtay khataraha ku xeeran kheyraadka shidaalka Soomaaliya

Hay’adda hufnaanta Soomaaliya oo ka digtay khataraha ku xeeran kheyraadka shidaalka Soomaaliya

8
0

Soomaaliya ayaa si rasmi ah u gashay marxalad cusub oo dhanka tamarta ah kaddib markii markabka qodista shidaalka ee Çağrı Bey uu toddobaadkan soo gaaray biyaha dalka, gaar ahaan goobta ceelka lagu magacaabo Curad-1.

War kasoo baxay Transparency Somalia Initiative (TSI) ayaa lagu sheegay in tallaabadan ay muujinayso isbeddel muhiim ah, iyadoo dalka uu u gudbayo heer uu si firfircoon uga qeyb qaadan karo soo saarista shidaalka. Arrintan ayaa la filayaa inay door weyn ka ciyaarto kobaca dhaqaalaha Soomaaliya.

Si kastaba ha ahaatee, hay’addu waxay ka digtay in kheyraadka dabiiciga ah uu noqon karo mid halis leh haddii aan si hufan loo maamulin, iyadoo xustay in mararka qaar faa’iidada kheyraadka noocan ah ay ku koobnaan karto dad gaar ah halkii ay gaari lahayd guud ahaan shacabka.

Hay’adda hufnaanta Soomaaliya ayaa sheegtay in aysan si toos ah u maamulin ama u kormeerin howlaha qodista shidaalka, balse ay tahay kormeere madax-bannaan oo u taagan kor u qaadista hufnaanta, isla xisaabtanka, iyo la dagaallanka musuqmaasuqa.

Hay’addu waxay ugu baaqday dowladda Soomaaliya inay qaaddo tallaabooyin degdeg ah oo lagu xaqiijinayo hufnaanta, oo ay ka mid yihiin in si buuxda loo shaaciyo heshiisyada shidaalka, in la caddeeyo cidda leh shirkadaha ka qeyb qaadanaya howlaha qodista, iyo in la hirgeliyo nidaam furan oo lagu maareeyo dakhliga kasoo baxa kheyraadka.

Ugu dambeyn, TSI ayaa carrabka ku adkaysay in maareynta saxda ah ee dakhliga shidaalka ay muhiim u tahay ilaalinta danaha jiilasha hadda iyo kuwa mustaqbalka ee Soomaaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here