Home WARARKA Kulmiye oo Xukuumadda ku Dhaliilay Wax-ka-qabasho la’aanta Dagaal Beeleedka Galbeedka Somaliland

Kulmiye oo Xukuumadda ku Dhaliilay Wax-ka-qabasho la’aanta Dagaal Beeleedka Galbeedka Somaliland

6
0

Xisbiga mucaaradka ah ee Kulmiye ayaa dhaliilay xukuumadda Somaliland, isaga oo ku eedeeyay in aanay si dhab ah uga hawlgelin joojinta dagaal beeleedka ka socda gobollada galbeedka, kaas oo soo jiitamayay tan iyo dabayaaqadii sannadkii hore.

Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye, Maxamed Kaahin Axmed, ayaa sheegay in dagaalladan ay gaadheen heer halis ah, isagoo xusay in maalmo ka hor uu dhacay dagaal culus oo sababay khasaare naf iyo maalba leh.

“Waajibka ugu weyn waxa uu saaranyahay xukuumadda iyo waxgaradka bulshada, si ay xal waara ugu helaan labada beelood ee dirirtu ka dhex aloosan tahay,” ayuu yidhi Kaahin.

Guddoomiyuhu waxa uu ku booriyay xukuumadda in ay abaabusho odayaasha iyo waxgaradka labada dhinac, isla markaana culays xooggan la saaro si loo joojiyo colaadda. Waxa uu sidoo kale tilmaamay in Somaliland hore u soo martay xaalado la mid ah, kuwaas oo lagu xalliyay wada-hadal iyo dadaal mideysan.

Waxa uu intaa ku daray in loo baahan yahay in si degdeg ah loo kala dhex dhigo ciidamo amni si loo kala fogeeyo labada dhinac, loogana hortago in dagaalku sii fido.

Ugu dambayn, Xisbiga Kulmiye ayaa baaq nabadeed u diray labada beelood ee dagaallamaya, isaga oo ugu baaqay in ay joojiyaan colaadda, isla markaana ay u hoggaansamaan dadaallada nabadaynta.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here