Home WARARKA Dagaal culus oo dhex-maray Xaadoole iyo maamulka degmada Warsheekh

Dagaal culus oo dhex-maray Xaadoole iyo maamulka degmada Warsheekh

4
0

Faah-faahinno dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa khasaaraha ka dhashay dagaal saaka ka dhacay aagga degmada Warsheekh ee gobolka Shabeellaha Dhexe, kaas oo u dhexeeyay mas’uul ka tirsan maamulka degmada iyo Xildhibaan Cismaan Xaadoole oo ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya.

Dagaalka ayaa si gaar ah uga dhacay duleedka degmada, wuxuuna dhex-maray ciidamo uu watay gudoomiye ku xigeenka maamulka degmada Warsheekh Hiraabe Maxamed Maxamuud (Jookaay) iyo kuwa kale oo taabacsan Xildhibaan Xaadoole oo isku qabtay dhul ku yaalla halkaasi.

Guddoomiye Jookaay oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in 5 Tikniko ah uu kusoo weeraray Xaadoole, balse ma sheegin wax khasaare ah, isaga oo ku dooday in uu iska difaacay weerarka uu sheegay in lagu soo qaaday.

“Walaalow waxaa saaka ka dhacay Warsheekh waxaa soo weeraray Xildhibaan Xaadoole meel magaalada u jirta 8 kiilo mitir dad shacab ah oo goofahooda cabirahaayo ayaa i wacay anoo la joogo ayuu soo weeraray isaga oo 5 Tikniko ah wato, waana iska celinay haddana meeshii ayaan joogaa” ayuu yir Jookaay.

Waxaa kale oo kusii daray “Annaga waaa is-difaaceynaa dad guryahoodii iyo deegaankoodii lagu soo weeraray ayaa nahay oo la dulminaayo oo xildhibaan qaran uu rabo inuu annaga noo dowleeyo, mana ka aqbaleyno”.

Ugu dambeyn wuxuu baaq u diray Dowladda Federaalka oo uu ka codsaday inay ka qabato Xildhibaanka oo ku eedeeyay inuu dhibaato ka wado deegaanka

“Waxaan ugu baqayaa dowladda Soomaaliyeed inay naga qabato Xildhibaan Xaadoole oo Tikniko nagu soo weeraraayo oo raba dhulka dadka shacabka inuu dhaco walaalo intaas waayay” ayuu sii raaciyay.

Dhanka kale ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay dhinaca Xildhibaan Cismaan Xaadoole oo ku aadan dagaalka maanta ka dhacay aagga degmad Warsheekh, kaas oo weli xiisaddiisa laga dareemayo halkaasi.

Dhawaan ayay ahayd markii dagaal ka dhacay aagga Warsheekh lagu dilay Muuse Xaadoole oo la dhashay xildhibaanka, waxayna u muuqataa in weli xiisadda ay sii socoto, isla markaana la’isku hayo dhul iyo arrimo maamul.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here