Home WARARKA Howlgal Lagu soo Qabtay Sarkaal Sare oo Al-Shabaab ka Tirsan oo ka...

Howlgal Lagu soo Qabtay Sarkaal Sare oo Al-Shabaab ka Tirsan oo ka dhacay Deegaanka Mubaarak

5
0

Howlgal wadajir ah oo ay fuliyeen ciidamada AUSSOM iyo Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa lagu soo qabtay sarkaal sare oo ka tirsan Al-Shabaab, kaas oo lagu magacaabo Salaad Cusmaan Macalin, loona yaqaan “Sahm”, xilli uu ku sugnaa deegaanka Mubaarak.

Sida lagu sheegay war kasoo baxay AUSSOM, Sarkaalkaan oo 40 jir ah ayaa la sheegay inuu ka tirsanaa Al-Shabaab tan iyo sanadkii 2009, isla markaana ahaa taliye guuto.

Waxaa lagu qabtay isagoo sahaminayay fariisimaha difaaca ciidamada dowladda, ka hor weerar ay Kooxda Al shabaab ku dooneysay inay kusoo weerarto saldhigyada ay leeyihiin AUSSOM iyo Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.

Warbixinta AUSSOM ayaa xustay in “Sahm” uu la socday dagaalyahanno kale, oo ay ku jiraan xubno ajaanib ah oo dhawaan laga soo daabulay magaalada Jilib.

Intii lagu guda jiray baaritaanka, wuxuu bixiyay xog muhiim ah, isagoo sheegay in nin lagu magacaabo Ismaaciil oo u dhashay Kenya uu isu diyaarinayay fulinta weerar ismiidaamin ah, halka nin kale oo lagu magacaabo Salman uu baxsaday.

Taliyaha Qaybta Koowaad ee AUSSOM, Sarreeye Guuto Jackson Kayanja, ayaa bogaadiyay feejignaanta ciidamada fuliyay howlgalka, isagoo sidoo kale ugu baaqay bulshada inay sii xoojiyaan wada shaqeynta amniga.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here