Home WARARKA Duqayn ka dhan ah AL-shabaab oo ka dhacday Gobolka Baay

Duqayn ka dhan ah AL-shabaab oo ka dhacday Gobolka Baay

5
0

Duqayn lagu beegsaday AL-shabaab ayaa ka dhacday inta u dhaxaysa Magaalada Baydhabo iyo Daynuunaay ee Gobolka Baay sida ay ku warrameen ilo kala duwan, dhowr jeer ayay diyaarado beegsadeen goobo kala duwan inkasta oo aan la shaacin khasaaraha ka dhashay.

Xalay waqti dambe ayay duqaymahaan xooggooda dhaceen, kahor inta aan la fulin howlgalkaan waxa ay ilo wareedyo inoo xaqiijiyeen in diyaarado lagu arkay deegaanno katirsan Gobolka Baay ee Dowlad-Goboleedka Koofur Galbeed.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa xoogga saartay amniga deegaanno dhaca Dowlad-Goboleedka Koofur Galbeed kaddib markii isbaddel uu ku yimid maamulkii Dowlad-Goboleedkaas si looga hortago falal amniga liddiga ku ah.

Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga, Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi iyo Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Sarreeye Guuto Ibraahim Maxamed Maxamuud ayaa saacado kahor booqday xeryaha ciidamada ee Gobolka Baay.

Wasiir Fiqi iyo Taliye Ibraahim ayaa u sheegay in ciidamadu u diyaargaroobaan howlgallada ka dhanka ah AL-shabaab si loo xoojiyo nabadgalyada deegaannada Dowlad-Goboleedka Koofur Galbeed gaar ahaan Gobolka Baay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here