Home WARARKA Ciidamada Badda Midowga Yurub oo Badbaadiyay Dooni Irani ah oo Lagu Afduubtay...

Ciidamada Badda Midowga Yurub oo Badbaadiyay Dooni Irani ah oo Lagu Afduubtay Xeebaha Soomaaliya

6
0

Ciidamada badda ee Midowga Yurub ee howlgalka EUNAVFOR Operation Atalanta ayaa badbaadiyay dooni kalluumeysi oo laga leeyahay Iran, taas oo ay budhcad-badeed Soomaali ahi ku afduubteen meel qiyaastii 400 mayl badeed u jirta bariga magaalada Mogadishu dabayaaqadii bishii Maarso.

Sida ay qortay Baird Maritime, doonta oo lagu magacaabo Alwaseemi ayaa la sii daayay 5-tii Abriil, kadib markii budhcad-badeeddu ay ka tageen markabka, iyaga oo wajahay cadaadis kaga yimid ciidamada Atalanta oo iskaashi la sameeynaya booliska badda Soomaaliya.

Howlgalka Atalanta ayaa sheegay in joogitaanka maraakiibtooda dagaalka iyo diyaaradaha ay si weyn u saameeyeen budhcad-badeedda, taas oo ku qasabtay inay ka degaan doonta. Waxaa sidoo kale la adeegsaday xeelad isku dhafan oo ka timid dhinacyada badda iyo cirka si loo xaqiijiyo badbaadada shaqaalaha markabka.

Ciidamada Atalanta ayaa si dhow ula socday dhaqdhaqaaqa doonta tan iyo markii la afduubtay 24-kii Maarso, iyaga oo adeegsanayay maraakiib dagaal iyo diyaarado si ay ula socdaan xaaladda markabka iyo budhcad-badeedda saarnaa.

Kadib markii doonta la xoreeyay, ciidamada Atalanta ayaa fuulay markabka si ay u hubiyaan xaaladda guud iyo badqabka shaqaalaha. Shaqaalaha ayaa la siiyay gargaar degdeg ah oo ay ka mid yihiin cunto, biyo iyo daryeel caafimaad.

Warbixinta ayaa sidoo kale tilmaantay in doontan laga yaabo in budhcad-badeeddu u adeegsanayeen “markab kale” (mothership), si ay uga weeraraan maraakiibta kale ee waaweyn ee maraya biyaha caalamiga ah.

Ugu dambeyn, howlgalka Atalanta ayaa sheegay inay ururiyeen caddeymo iyo xog la xidhiidha dhacdadan, si loogu taageero dacwadaha ka dhanka ah budhcad-badeedda, iyagoo la shaqeynaya dowladda federaalka Soomaaliya iyo maamulka Puntland si loo soo qabto loona horgeeyo cadaaladda kooxaha falalkan ka dambeeya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here