Wararka ka imaanaya Gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in ciidamo ka tirsan Madaxtooyada Dowlad Goboleedka Galmudug ay saacadihii la soo dhaafay xireen waddada muhiimka ah ee isku xirta magaalooyinka Dhuusamareeb iyo Ceel-la Helay, kaddib markii ay ka cabanayeen mushaar la’aan soo jiitameysay muddo laba bilood ah.
Ciidamadan oo la sheegay in dhowaan tababar looga soo xiray laguna magacabaao Galeyr, isla markaana loo diyaariyay howlgallo ka dhan ah Al-Shabaab oo ka socda bariga Gobolka Galgaduud, ayaa si cad u muujiyay cabashadooda, iyaga oo sheegay in aysan helin xuquuqdoodii dhaqaale, taas oo keentay in ay qaadaan tallaabadan ay ku xireen waddada.
Goobjoogayaal ayaa sheegay in xiritaanka waddada uu hakad geliyay isu socodka gaadiidka iyo dadka rayidka ah, iyadoo waddadani ay tahay marin muhiim u ah isku socodka labada deegaan.
Dhinaca kale, warar hoose oo la helayo ayaa tilmaamaya in masuuliyiin ka tirsan maamulka Galmudug ay la kulmeen ciidamadan, isla markaana ay u ballanqaadeen in si degdeg ah loo xallin doono arrinta mushaaraadka, Tallaabadaas kadib ayaa la sheegay in ciidamadu dib u fureen waddadii ay xireen.
Si kastaba ha ahaatee, ilaa iyo hadda ma jiro wax war rasmi ah oo ka soo baxay maamulka Galmudug oo ku saabsan cabashada ciidamadan iyo tallaabooyinka la qaadayo.



