Magaalada Muqdisho waxaa maanta lagu qabtay munaasabad lagu maamuusayay 66 sano guurada kasoo wareegtay aasaaska ciidanka Xoogga Dalka, waxaa ka qaybgalay mas’uuliyiin kala duwan iyada oo Militariga Soomaaliya uu soo bandhigay dhoollatus ciidan.
Mas’uuliyiinta ka hadashay waxaa kamid ah Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, Wasiirka Gaashanadhigga XFS, Axmed Macallim Fiqi iyo Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka, Sarreeye Guuto Ibraahim Maxamed Maxamuud.
Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Axmed Macallim Fiqi ayaa sheegay in ciidamada Xoogga ay guullo muhiim ah ka gaareen howlgallada ka dhanka ah ‘AS’ isaga oo tusaale usoo qaatay howlgalkii ka dhacay Muqdisho ilaa Baydhabo.
Ciidamada Xoogga Dalka ayuu sheegay in taariikhdoodu ku suntan tahay Halgan iyo xusuus aan duugoobayn, waxa uu xusay in uu dib u dhis ku socda, waxaa kale uu amaanay dalalka taageera sida Maraykanka, Turkiga iyo Howlgalka Midowga Afrika ee AUSSOM.
“66 sano oo aynu maanta xusayno waa taariikh ay ku duugan yihiin halgan dhiig & xusuus aan duugoobayn waxaana ku socda dib u dhis xooggan” sidaasi waxaa yiri Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi
Saraakiil katirsan Ciidanka Xoogga Dalka ayaa billado la guddoonsiiyay, waxaana loo gartay in ay kaalin muuqda ka qaaateen dib u dhiska Ciidanka iyo howlgallada ka dhanka ah ‘AS’ & Daacish sida ay sheegay hoggaanka sare ee taliskaas.
Khudbadda Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud:
Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in ciidanka Xoogga Dalka ay door muuqda ka qaateen wax u qabashada Bulshada waqtigii adkaa ee soo maray isaga oo bogaadiyay sida ay u dhabar adeegeen.
Waxa uu xusay in ciidamada uu waajib ka saaran yahay la dagaalanka cid weliba oo horumarka diidan ama ka shaqaynaya wax weliba oo dib u dhigi kara Dalka sida uu yiri Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud
“Dowlad ma jiri karto ciidan la’aan, Nin kasta oo horumarka waxyar u dhigaya waa Cadaw waana in la iska qabtaa” Sidaasi waxaa yiri Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud
Aqoonta Ciidanka Xoogga Dalka iyo Askarta ku naafowda Difaaca Dalka ayuu sheegay in Dowladdu ay xoogga saartay, waxa uu shaaciyay in awoodda Dowladdu inta uu gaarsiisan yahay in ay arrintaas u maareynayaan.



