Dalka Koofur Afrika waxaa cabsi xooggan laga qabaa in ay ka dhacaan dibadbaxyo ka dhan ah xukunka xabsiga ah ee lagu riday Hoggaamiyaha Mucaaradka Dalkaas ee lagu magacaabo Julius Malema kaasi oo xubin ka ah Baarlamaanka Dalkaas.
Waxaa la sheegay in lagu helay dambiyo la xiriira hub sharci-darro ah iyo toogasho uu ka sameeyay meelo fagaare ah, Maxkamadda ayaa ku xukuntay shan sano oo uu racfaan ka qaadan karo sida bayaanka Maxkamadda lagu xusay.
Julius Malema waa nin codkar ah oo marka uu ka dhex hadlayo Baarlamaanka Dalkiisa jeediyo ereyo miisaan culus leh, waa hoggaamiye jecel midnimada Koofur Afrika isla markaana dhaliila buunbuuninta reer Galbeed, waxa uu sidaas ku kasbaday Taageerro badan.
Waxaa lasoo wariyay in meelo badan oo Koofur Afrika ah ay ka socdaan abaabulka dibadbaxyo inkasta oo la sheegay in meelaha qaar laga hortagay oo ciidamo badan oo aad u hubaysan la dul dejiyay si aanay rabshado halkaasi uga dhicin.
Qareenka Difaacaya Julius Malema ayaa diiday xukunka Maxkamadda isaga oo sheegay in uu racfaan u qaadayo maadaama nidaamka loo maray xukunkiisa uu yahay mid siyaasad ay ku dheehan tahay oo faragelin shisheeye ku dhex jirto.



