Home WARARKA Sanbalooshe: “Go’aan la’aan ayaa hareysay xukunka madaxxweyne Xasan Sheikh Maxamuud”

Sanbalooshe: “Go’aan la’aan ayaa hareysay xukunka madaxxweyne Xasan Sheikh Maxamuud”

7
0

Taliyihii hore ee hay’adda nabad sugidda Soomaaliya, Cabdullaahi Maxamed Cali Sanbalooshe,  ayaa si kulul u dhaliilay hoggaanka Xasan Sheekh Maxamuud, isaga oo sheegay in dowladdu ku guuldarreysatay inay wax ka qabato caqabadaha amni iyo siyaasadeed ee dalka.

Wareysi uu bixiyay, Sanbalooshe wuxuu sheegay in madaxweynaha laga filayay inuu saxo khaladaadka ka jira xukunkiisa, balse taas aysan dhicin. “Waxba lama saxin, guud ahaan dalka wax horumar ah kama muuqdo,” ayuu yiri Sambalooshe, isagoo sidoo kale tilmaamay in ay jiraan madaxweynayaal Dowlad Goboleed oo sharci-darro xafiiska.

Sanboolashe oo si cad u sheegay inuu ku hamminayo inuu madaxweyne ka noqdo Dowlad Goboleedka Hirshabeelle, wuxuu sheegay madaxweynaha Soomaaliya uu qaadan la’yahay go’aan cad oo ku saabsan sidii maamulada ku jooga sharci darrada loo dhisi lahaa, isagoo xusay in jawaabaha dowladda ay ku egyihiin “waan arki doonaa”, taas oo uu ku tilmaamay mid muujinaysa hoggaan la’aan iyo go’aan gaabis.

Sanbalooshe ayaa sidoo kale ka hadlay xaaladda gobollada, gaar ahaan Hiiraan, isaga oo sheegay in amniga dalka uu yahay mid isku xiran. “Haddii Hiiraan nabad haysan, Muqdisho nabad ma noqon karto,” ayuu yiri, isagoo carrabka ku adkeeyay in muwaadiniinta Soomaaliyeed ay leeyihiin qiime siman meel kasta oo ay joogaan.

Wuxuu ka digay in la yareeyo muhiimadda qaar ka mid ah beelaha, isagoo sheegay in arrintaas ay horseedi karto xasillooni darro dheeraad ah. “Dalka waa isku xiran yahay, qof walbana wuxuu leeyahay qiime la mid ah kan kale,” ayuu hadalkiisa ku soo gabagabeeyay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here