Home WARARKA Muqisho waa caasimad laga shaqaysto ee aan loo shaqeyn?

Muqisho waa caasimad laga shaqaysto ee aan loo shaqeyn?

4
0

Mashruuca Baanka Aduunka ee NAGAAD ($278.5M) bilaawday 2020-2026 wuxuu magaalooyinka dalka qaar u horseeday horumar, waxayna sameysteen Bulaacado biyaha Roobka magaalada ka saara iyo jidad yaryar, magaalooyinkaa waxaa kamid ah #Garoowe, #Baydhabo, #Kismaayo, #Dhuusamareeb iyo #Hargeysa ($25M Dollar) oo gadaal looga daray, shaqadeedu dhamaanayso Dec 2028, balse magaalada #Muqdisho oo dhaqaalaha Mashruucaa ugu badneyd waxay ku dhex hafatay bulaacadihii iyo biyo mareenadii mashruuca loogu talo galay in wax looga qabto. Dhanka sameynta bulaacadaha Muqdisho waxaa qeyb ka ahaa Warta Siigaale oo Maamulka Gobolka Munaasabad aad loo weyneeyey xariga uga jaray 9-kii April 2026 balse waxey warta Siigaale qeyb ahaan ku burburtay 17 April 2026, waa 8 maalin kadib. (Fiiri comment-ga), iyadoo Dawladda Federaalku ay magaaladan ka ururiso canshuur ka badan dhowr boqol milyan dollar, miisaaniyada sanadlaha tahay haatan 1.3 Bilyan Dollar, Gobolka Banaadirna qaado canshuur, uuna maamulo miisaaniyad ka badan 100 Milyan dollar, haddana caasimaddu ma xamili karto Roob socda 30 daqiiqo, magaalada malahan bulaacado (drainage system) shaqeynaya oo biyaha roobka & wasaqda ka saara, sidoo kale Isbitaalka ugu weyn dalka ee Hooyada iyo dhalaanka #Banaadir ma lahan Miisaaniyad loogu talo galo oo sanadle ah, loogu adeego shacabka Gobolka #Banaadir.

Masuuliyad darada ugu weyn ee dhacday waxey aheyd Wasaaradda Maaliyadda Dawladda Federaalka ay 5-tii Maarso 2026 codsatay in la kansal gareeyo lacag aheyd $17 Milyan Doolar oo loo qorsheeyey bulaacadaha magaalada #Muqdisho ee Mashruuca NAGAAD, loona wareejiyo mashruuc kale oo Baanka Aduunka (STAIR2JOBS) oo miisaaniyadiisa tahay $100 milyan Doolar ah, shaqo abuur iyo maalgelin loogu sameynayo qaar kamid ah Garoomada Dalka, muddo 10 sano ah, hoos tagaya wasaaradda Gaadiidka cirka & dhulka, mashruucaa oo aan isna garoomada dalka loogu cadaalad sameynin.

Warta Siigaale ee 8-da maalmood ku duntay, waxay markhaati u tahay in madaxdu magaalada heer federaal iyo heer gobol oo dhaqaalaha ka qaada Caasimadda, una haya aaney u damqan horumarka iyo adeega Caasimadda, masuuliyiintaasi ka shaqaystaan balse aysan u shaqayn magaalada Muqdisho iyo dadka degan. Waxaa jirta xigmad oronaysa “Aqool xumo abaar ka daran,” Gunaanadku waa Muqdisho waxay u baahan tahay damiir u naxa, isla xisaabtan & adeeg u dhigma canshuurta laga qaado. #Somalia


Lacag loogu talo galay drainage ka gobolka Banaadir oo aheyd $17 Million dollar waxaa lagu cancel gareeyey codsi ka yimid 5-tii March 2026 Wasaarada Maaliyadda Somalia oo ah Wasaaradda la macaamiisha World Bank, waxaana lagu dhex tuuray mashruuc kale ee Baanka aduunka oo Garoomada dalka qaar loogu talo galay STAIR2JOBS, 10 sano soconaya si halkaa looga gudbo drainage ka Magaalada Muqdisho, lacagtana wax kale ugu danbeyn loogu isticmaalo. Maadaama mashruuca Nagaad oo 2020 ilaa 2026 qaaska u ahaa drainageka iyo jidadka Magaalada dhexdooda ah ee Muqdisho wax laga qaban waayey, loo isticmaali waayey lacagta shaqada loogu talo galay!

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here