Home WARARKA Nin Soomaali ah oo weerar ku qaaday laba nin oo Yuhuud ah...

Nin Soomaali ah oo weerar ku qaaday laba nin oo Yuhuud ah dalka Ingiriiska

5
0

Nin asal ahaan ka soo jeeda Soomaaliya ayaa weerar mindi loo adeegsaday ku qaaday laba nin oo Yuhuud ah magaalada London ee dalka Ingiriiska, sida ay sheegtay wakaaladda wararka ee Reuters.

Booliska London ayaa sheegay in weerarkan uu ka dhacay xaafadda Golders Green ee waqooyiga London, isla markaana loo arko fal argagixiso oo lala beegsaday dadka Yuhuudda ah. Labada nin ee la weeraray oo kala ah 76 jir iyo 34 jir ayaa la dhigay isbitaal, waxaana la xaqiijiyay in xaaladdoodu ay deggan tahay.

Ninka weerarka geystay oo 45 jir ah ayaa ah muwaadin British ah balse asal ahaan ka soo jeeda Soomaaliya. Booliska ayaa sheegay in la qabtay kadib markii lagu joojiyay qalabka korontada ee lagu suuxiyo dadka (Taser), xilli uu isku dayay inuu weeraro askar boolis ah.

Sidoo kale, baadhitaanno hordhac ah ayaa muujinaya in tuhmanuhu uu ku lug lahaa dhacdo kale oo rabshad wadata oo isla maalintaas ka dhacday koonfur-bari London, taasoo qof kale uu ka soo gaadhay dhaawac fudud. Taliyaha booliska London, Mark Rowley, ayaa sheegay in tuhmanaha uu horey u lahaa taariikh ku suntan rabshado culus iyo dhibaatooyin dhinaca caafimaadka maskaxda ah.

Dhacdadan ayaa ku soo beegmaysa xilli ay sii kordhayaan weerarrada ka dhanka ah Yuhuudda ee gudaha UK, taasoo sare u qaadday walaaca laga qabo ammaanka bulshada Yuhuudda ah. Ra’iisul wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu iyo madax kale ayaa ku baaqay in si degdeg ah loo qaado tallaabooyin lagu xoojinayo ammaanka.

Dowladda Ingiriiska ayaa dhankeeda ballanqaadday inay kordhinayso dadaallada lagu sugayo ammaanka, inkastoo qaar ka mid ah dadka goobta ku sugnaa ay muujiyeen cadho, iyagoo ku eedeeyay booliska inay ku guuldareysteen ilaalinta bulshada.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here