Home WARARKA Uganda oo Soomaaliya keentay ciidamo baddelaya kuwii horay dalka ka joogay

Uganda oo Soomaaliya keentay ciidamo baddelaya kuwii horay dalka ka joogay

4
0

Dowladda Uganda ayaa baddeshay Ciidankii Soomaaliya ka joogay iyada oo soo dirtay ciidamada loo yaqaan kuwa Dagaalka ee Kooxda 47 kuwaas oo si ka duwan ciidankii hore uga howlgallaya Soomaaliya sida ay ku warrameen Saraakiil katirsan Ciidanka UPDF.

Ciidankaan ayaa kahor inta aan Soomaaliya loosoo qaadin waxa ay soo mareen tababar kooban oo sida sharciga ah la siiyo Ciidamada Nabad ilaalinta loo dirayo maadaama ay ka howlgallayaan Dad ka dhaqan iyo bulsho duwan sida hadalka loo dhigay.

Janaraal Jackson Kaynaja oo ah Taliyaha qaybta 1aad ee Howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya ayaa sheegay in uu askarta kula dardaarmay in ay ilaaliyaan sharafta dalkooda kana fogaadaan wax weliba oo dhibaato ama sumcad dil ku noqon karta.

“Ujeedka Howlgalka waa in aan caawiyo Soomaaliya, waxaa la idinka rabaa wadashaqayn joogto ah maadaama hal ciidan oo kuwa howlgallaya AUSSOM wada nahay, hadafkeennu waa in ay Walaalaheen gaaraan nabad iyo xasilooni waarta” Sidaasi waxaa yiri Taliyaha qaybta 1aad ee Howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya, Janaraal Jackson Kaynaja.

Afarta qayb ee loo qaybiyay howlgalka Midowga Midowga Afrika waxaa qaybta koowaad hoggaaminaya Uganda oo ah dalkii ugu horreeyay ee ciidamadiisa keenna Gudaha Soomaaliya horraantii sanadkii 2007dii.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here