Home WARARKA Roob xooggan oo ka da’ay Muqdisho & Waddooyin isu socodkoodu joogsaday

Roob xooggan oo ka da’ay Muqdisho & Waddooyin isu socodkoodu joogsaday

6
0
Screenshot

Magaalada Muqdisho waxaa ka da’ay roob xooggan oo saamayn taban ku yeeshay isu socodka waddooyinka muhiimka ah ee Caasimadda iyo Xaafadaha, waxaa joogsaday isu gudubka Gaadiidka sababo la xiriira biyaha xareedda oo fadhiistay goobaha biyo degeenka ah.

Waddooyinka roobka u go’ay waxaa kamid ah marinka loo maro Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho, qaybo kamid ah Jidadka Warshadaha, Soddonka iyo kuwo kale waxaana fadhiistay biyaha ka dhashay Roobkaas.

Gaadiidka ayaa saxmad ku galaya waddooyinka kooban ee furan, waxaana jidadka qaar lagu arkayaa Dad lugaynaya si ay u gaaraan goobaha Waxbarashada, Shaqada iyo danaha kale ee gaarka u ah oo ay u socdaan.

Duleedka Magaalada Muqdisho waxa uu roobku saamayn taban ku reebay qoysaska Barakacayaasha ah ee deggen guryaha ka samaysan dhismaha jilcan ee Buusashka loo garanayo maadaama daadad badan uu dhaliyay roobka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here