Home WARARKA Golaha Mustaqbalka oo Shuruudo ku xiray ka qeyb galka wadahadalka Dowladda

Golaha Mustaqbalka oo Shuruudo ku xiray ka qeyb galka wadahadalka Dowladda

2
0

Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed ayaa si rasmi ah u shaaciyay mowqifkooda ku aaddan xaaladda siyaasadeed ee dalka, iyagoo ku xiray ka qeybgalka wadahadal kasta shuruudo adag oo la xiriira hannaanka doorashooyinka dalka.

Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed ayaa shaaca ka qaaday in casuumaadda Madaxweynaha ee ku aaddan wadahadalka la qorsheeyay 10-ka May 2026, inay soo dhoweynayaan balse ku xiray shuruudo cad oo lagu xaqiijinayo daacadnimo siyaasadeed.

Warqad rasmi ah oo ay soo saareen, Golaha ayaa sheegay in wadahadal lala galo dowladda Federaalka uu suurtagal noqon karo oo keliya haddii la muujiyo daacadnimo dhab ah, taasoo ay ku xireen laba qodob oo muhiim ah.

Qodobka koowaad ayaa ah in si degdeg ah loo joojiyo dhammaan howlaha la xiriira doorashooyinka, oo ay ku jiraan dhaqdhaqaaqyada siyaasadeed iyo qorshayaasha la xiriira hirgelinta doorashooyinka, si looga hortago wax kasta oo dhaawici kara midnimada iyo wadajirka ummadda.

Qodobka labaad, Golaha Mustaqbalka ayaa dalbaday in la magacaabo dhexdhexaadiye madax-bannaan oo lagu kalsoonaan karo, kaasoo fududeyn kara wadahadal dhab ah oo miro dhal ah.

Waxay xuseen in wadahadalladii hore ee socday labadii sano ee la soo dhaafay aysan keenin wax natiijo ah, taasoo keentay in loo baahdo hannaan cusub oo lagu xalliyo khilaafaadka siyaasadeed.

Golaha ayaa sidoo kale caddeeyay in haddii aan horumar laga gaarin arrimahan ka hor 15-ka May 2026, ay qaadi doonaan tallaabooyin ay ku ilaalinayaan dowladnimada dalka, inkastoo aysan faahfaahin nooca tallaabooyinkaasi noqon doonaan.

Waxay si adag uga digeen suurtagalnimada firaaq dowladeed ama qalalaase dastuur oo dalka ka dhaca.

Ugu dambeyn, Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed ayaa ugu baaqay dhammaan dhinacyada siyaasadda inay muujiyaan mas’uuliyad iyo wadashaqeyn, si looga gudbo caqabadaha jira loona xaqiijiyo mustaqbal siyaasadeed oo xasiloon.

Golaha Mustaqbalka oo Shuruudo ku xiray ka qeyb galka wadahadalka Dowladda

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here