Home WARARKA Burcad-badeedda Soomaali ah oo ka dagay doon Imaaraat ka laga leeyahay oo...

Burcad-badeedda Soomaali ah oo ka dagay doon Imaaraat ka laga leeyahay oo horey u afduubteen

4
0

Koox burcad-badeed Soomaali ah ayaa ka dagay doon laga leeyahay Imaaraadka Carabta oo ay afduubteen bishii hore, kaddib markii ay ku guuldarreysteen inay u adeegsadaan weerarro ka dhan ah maraakiib kale, sida ay saraakiil ka tirsan maamulka Puntland u sheegeen wakaaladda AFP.

Kooxdan oo ka koobnayd 11 burcad-badeed ayaa dabayaaqadii bishii April qabsatay doonta lagu magacaabo Fahad-4, xilli ay ku sugnayd qiyaastii 10 mayl-badeed meel u dhow deegaanka Dhinowda ee waqooyi-bari Soomaaliya.

Ilaa hadda lama hayo war rasmi ah oo ku saabsan xaaladda shaqaalihii saarnaa doontaas oo sidday liin, iyadoo sidoo kale aanay weli dowladda Soomaaliya si cad uga hadlin halka ay ku dambeysay doonta.

Saraakiisha ammaanka Puntland ayaa sheegay in burcad-badeeddu ay ka dhaqaaqeen deegaan u dhow dekedda Garacad, oo qiyaastii 600km dhanka waqooyi kaga beegan magaalada Muqdisho.

Kaddib markii ay la wareegeen doonta, burcad-badeedda ayaa sida la sheegay u adeegsaday in ay ku weeraraan maraakiibta kale ee maraya biyaha Soomaaliya.

Mid kamid ah saraakiisha ayaa AFP u sheegay in kooxdaasi ay ugu dambeyn ka tageen doonta 4-tii May, kadib markii ay gabaabsi noqdeen sahaydii ay wateen, isla markaana ay ku fashilmeen weerarro kale sababo la xiriira feejignaan dheeraad ah oo ay sameeyeen maraakiibta maraya xeebaha Soomaaliya toddobaadyadii lasoo dhaafay.

Dhacdadan ayaa kusoo beegmaysa xilli ay sii kordhayaan walaaca laga qabo dib usoo laabashada burcad-badeednimada Soomaaliya, kadib sannado ay yaraatay qatarta weerarrada badda ee marin-biyoodka ugu mashquulka badan caalamka.

Xarunta Wadajirka ah ee Macluumaadka Badda (JMIC), oo la socota amniga badaha Badweynta Hindiya, ayaa sheegtay in khatarta burcad-badeednimada hadda loo qaaday heer “aad u daran”, kadib weerarro xiriir ah oo lala beegsaday maraakiibta ganacsiga.

Kormeerayaasha badda ayaa sidoo kale sheegay in dhowr markab oo dhawaan la afduubtay ay weli gacanta ugu jiraan burcad-badeedda, kuwaas oo ay kamid yihiin markabka shidaalka qaada ee Honour 25 oo wata calanka Barbados, laguna afduubtay xeebaha Puntland 21-kii April, iyo markabka Sward oo wata calanka Suuriya.

Dhanka kale ee Gacanka Cadmeed, burcad-badeed ayaa sidoo kale la wareegay markabka shidaalka qaada ee Eureka, kaas oo wata calanka Togo, kahor inta aysan u jihayn xeebaha Soomaaliya.

Ilaa hadda si rasmi ah looma oga kooxaha ka dambeeya weerarradan. Horey waxaa afduubyada uga qeyb qaadan jiray kalluumeysato hubeysan iyo kooxo xiriir la leh ururrada Daacish iyo al‑Qaeda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here