Laamaha ammaanka Kenya ayaa raadinaya koox ay ku sheegeen in ay katirsan yihiin ‘Al-shabaab’ Kuwaas oo qarxiyay goob laga qodo carrada loo adeegsanayo dhismaha waddada muhiimka ah ee isku xiraysa Kenya, Itoobiya & Soomaaliya.
Dhimasho iyo dhaawac kama dhalan Qaraxaas sida ay ku warrameen Saraakiisha amniga, waxa ay sheegeen in ay ku raad-joogaan kooxdii ka dambaysay si looga hortago qaraxyo kale oo ay deegaanka ka fulin karaan sida hadalka loo dhigay.
Ciidan isku dhaf ah oo ah Booliis & kuwa gaarka ah ee difaaca Kenya ayaa wada howlgalkaan iyaga oo raadraacaya meelaha ay ku tuhmayaan in ay galeen ama ay ka yimaadeen Ragga qaraxa waddada dhigay sida ay ku warrameen saraakiisha ammaanka.
Madaxweynaha Kenya, William Ruto ayaa horay u sheegay in mashruuca dib u dhiska waddooyinka burbursan iyo kuwa cusub oo laga hirgeliyo Waqooyiga waa Dhulka NFD ay muhiim u yihiin sare u kaca dhaqaalaha Dalkiisa.



