Home WARARKA Maxaa ka socda Hotelka Jazeera iyo qorshaha mucaaradka?

Maxaa ka socda Hotelka Jazeera iyo qorshaha mucaaradka?

3
0

Waxaa goordhow ka furmaya hotelka Jaziira ee magaalada Muqdisho shir gaar ah oo ay yeelanayaan siyaasiyiinta mucaaradka Soomaaliya, kaas oo si weyn isha loogu hayo, maadaama lagu wado inay si rasmi ah ugu shaaciyaan goobaha iyo degmooyinka ay ka dhacayaan bannaanbaxyadii ay hore ugu baaqeen.

Shirkan ayaa kusoo aadaya xilli mucaaradku ay wadaan kulamadoodii ugu dambeeyay iyo abaabul xooggan oo la xiriira isu soo baxyo la qorsheeyay inay maalmaha soo socda ka dhacaan caasimadda Muqdisho.

Wararka hordhaca ah ayaa tilmaamaya in kulanka diiradda lagu saarayo qorshaha guud ee bannaanbaxyada, qaabka loo maareynayo isu soo baxayaasha, sugidda ammaanka taageerayaasha, iyo fariimaha siyaasadeed ee ay doonayaan inay shacabka iyo dowladda u gudbiyaan.

Sidoo kale, siyaasiyiinta mucaaradka ayaa la filayaa inay shaaciyaan degmooyinka ay kala degi doonaan, goobaha saxda ah ee isu soo baxyadu ka dhacayaan, iyo jadwalka dhaqdhaqaaqyada la xiriira bannaanbaxyada.

Dhanka kale, Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sare u qaaday feejignaanta amni ee magaalada Muqdisho. Ciidamo dheeraad ah ayaa lagu arkayaa waddooyinka waaweyn, isgoysyada muhiimka ah, iyo xarumaha dowladda, iyadoo tallaabadan lagu sheegay mid looga hortagayo qalalaase amni ama isku dhacyo ka dhasha bannaanbaxyada la qorsheeyay.

Xiisadda siyaasadeed ee u dhexeysa dowladda iyo mucaaradka ayaa maalmihii la soo dhaafay sii xoogeysanaysay, waxaana xaaladda si dhow ula socda shacabka Muqdisho oo sugaya waxa kasoo bixi doona kulanka ka furmaya Jaziira iyo saamaynta uu ku yeelan karo jawiga siyaasadeed ee dalka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here