Home WARARKA Ciidamo taabacsan Madaxweynihii ee Koonfur Galbeed oo u ruqaansaday magaalada Baydhabo

Ciidamo taabacsan Madaxweynihii ee Koonfur Galbeed oo u ruqaansaday magaalada Baydhabo

3
0

Ciidamo aad u hubeysan oo taabacsan Madaxweynihii xukunka laga tuuray ee Koonfur Galbeed, Laftagareen ayaa kasoo ruqaansaday gobolka Gedo ee Maamulka Jubbaland iyagoo usoo ruqaansaday dhanka gobollada Baay iyo Bakool ee Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Ciidamadaan ayaa doonaya inay dib ula wareegaan deegaanadii hore u faarujiyeen kuwaasi oo loogu itaal roonaaday. Sidoo kale shaashaduhu waxay soo qabanaayeen Wasiirkii hore Amniga Maamulka Koonfur Galbeed kaasi oo ciidamadu horkacaayay.

Tan iyo markii xukun laga tuuray Madaxweynihii hore Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Laftagareen maamulka KGS ayaa xaaladda siyaasadeed iyo mid amni noqotay mid aad u cakiran, wareysi hore u bixiyay Laftagareen ayaa ku sheegay inuu yahay Madaxweynaha saxda ah ee Maamulka Koonfur Galbeed.

lama ogga xaalka Maamulka Koonfur Galbeed iyo halka uu ku dambeyn doono iyadoo amniga magaalada Baydhabo ay tahay mid aad u hooseysa isla markaana ciidamada uu hoggaaminaayo Wasiirka hore Amniga ay kaabiga ku haayaan magaalada Baydhaba sida ay xaqiijinayaan illo lagu kalsoonaan karro.

Dhinaca kale, Cabdicasiis Laftagareen hore u sheegay inuu yahay Madaxweynaha saxda ah ee KGS iyadoo Koonfur Galbeed ay ka socdaan doorashooyin qof iyo cod ah ee ay ololleenayaan dowladda federaalka Soomaaliya iyo musharraxiin dowladda federaalka ay wadato.

Xilli ay wali soconayaan dib-u-habeynta Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya oo ay ku sugan yihiin saraakiil sarsare oo ka tirsan ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa waxa ay ku gacan seyrayn saraakiisha hore u taabacsaneed Madaxweynihii xilka laga riday ee Laftagareen in ay ku biiraan ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed taasi oo ay sheegeen in xuquuqdooda qeyb loogu dhigi doono ciidamada xoogga dalka Soomaaliya.

Saraakiishaan oo ka baxday magaalada Baydhabo ayaa waxaa ay gaareen degmada doolow ee gobolka Gedo halkaasi oo ay ku sugan yihiin ciidamada Maamulka Jubbaland isla markaana isku hor-fadhiyaan ciidanka dowladda federaalka Soomaaliya oo khilaafka xooggan kala dhexeeyo dowladda Maamulkaasi Jubbaland.

saraakiisha ayaa waxa ay sheegeen in marnaba ogolaan doonin in xuquuqdooda ciidanimo loo adeegsado burburinta Maamulka Koonfur Galbeed, iaygoo arrintaasi bedelkeeda doorbiday inay ku biiraan Maamulka Jubbaland oo hoggaamiyo Axmed Madoobe oo khilaaf xooggan kala dhexeeyo dowladda federaalka Soomaaliya.

Ciidamada ku sugan degmada Doolow ee gobolka Gedo ayaa waxaa lagu soo warramayaa in halkaasi ay tageen isla markaana ay ku biireen ciidanka Maamulka Jubbaland ee halkaasi ku sugan iyagoo sheegay inay garab iyo gaashaan u noqon doonaa.

Dowladda Federaalka Soomaaliya gobolkaasi Gedo qeybo kamid ah kaga sugan ciidan ka tirsan dowladda federaalka isku hor-fadhiyaan kuwa Maamulka Jubbaland oo dhowaan hore dagaal ku dhexmaray halkaasi loogu adkaaday ciidanka Jubbaland looguna saaray qeybo kamid ah gobolkaasi Gedo.

Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay qorsheynaysaa in halkaasi ka dhisto Maamul u gaar ah oo kasoo horjeeda Maamulka Jubbaland iyaduna qorshuhuna yahay doorashooyinka qof iyo codka ay dowladda doonayso inay ka hirgeliso Maamullada iyada gacanta ku hayso.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here