Home WARARKA Golaha Deegaanka Hargeysa oo Doortay Maayir iyo Ku-xigeen Cusub

Golaha Deegaanka Hargeysa oo Doortay Maayir iyo Ku-xigeen Cusub

3
0

Golaha Deegaanka caasimadda Hargeysa ayaa maanta doortay maayirka cusub ee magaalada, kadib kalfadhi aan caadi ahayn oo ka qabsoomay xarunta Dawladda Hoose ee Hargeysa.

Mudaneyaasha Golaha Deegaanka ayaa u doortay Cabdirisaaq Maxamed Faarax Wiiwaa inuu noqdo Maayirka cusub ee Hargeysa, halka Aadan Jaamac Xaddi Mideeye loo doortay jagada Maayar ku-xigeenka caasimadda.

Maayirka cusub ee Hargeysa, Cabdirisaaq Maxamed Faarax Wiiwaa, ayaa hadal uu kadib doorashadiisa jeediyey ku sheegay in kalfadhigu si nabad ah ku soo dhammaaday, isaga oo balanqaaday inuu dardargelin doono shaqada iyo adeegyada caasimadda.

“Waxa Ilaahay mahaddii ah in kalfadhigii aan caadiga ahayni si nabad ah oo muxtarim ah noogu soo dhammaaday. Waxaan idiin balanqaadayaa inaan idiin shaqeeyo, hawshana halkii ay maraysay meel ka sii fog gaadhsiiyo, Insha Allah,” ayuu yidhi Wiiwaa.

Waxa uu sidoo kale xubnaha Golaha Deegaanka ka codsaday inay la shaqeeyaan, talooyinka la wadaagaan, isla markaana iska kaashadaan horumarinta magaalada Hargeysa.

Doorashadan ayaa timid kadib markii isla saaka Golaha Deegaanka Hargeysa si rasmi ah xilka uga qaaday Maayirkii hore ee caasimadda, Cabdikariin Axmed Mooge, iyo ku-xigeenkiisii Khadar Axmed Cumar.

Mooshinka xil ka qaadista oo maalin ka hor laga gudbiyey labada masuul ayaa lagu sababeeyey eedo la xidhiidha gudasho la’aanta waajibaadka shaqo iyo arrimo kale oo dhinaca maamulka ah, sida ay sheegeen xubno ka tirsan Golaha Deegaanku.

Warbaahinta dawladda Somaliland oo gudaha xarunta DDH ku sugnayd ayaa sheegtay in xubno ka tirsan Golaha Deegaanku ay kasoo xaadireen hoolka uu mooshinku ka dhacayay, iyadoo kulanka uu shir guddoominayay Guddoomiyaha gobolka Maroodi-jeex, isla markaana uu goobta joogay xoghayaha Dawladda Hoose ee Hargeysa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here